Buri’ Hamza oo kala hadlay Madaxa Ururka Iskaashiga Islaamka ee Soomaaliya tababarida Shaqaalaha dowladda.

May 17, 2014 - Written by Editor

DSC05832Mogadishu, May 17, 2014-Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga H.E. Buri’ Mohamed Hamza ayaa maanta ku qaabilay Xafiiskiisa Ahmed Mohamed Adam oo ah Madaxa Xafiiska Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) ee Soomaaliya , iyadoo kulanka looga hadlay balaarinta gargaarka cunno iyo dawo ee Ururka uu  gaarsiiyo Soomaaliya .

Kulankani ayaa waxaa sidoo kale lagu faaqiday dib u dejinta barakacayaasha iyo fulinta heshiisyadii hore u kala saxiixdeen Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Ururka Iskaashiga Islaamka.

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga ayaa ka codsaday Ururka Iskaashiga Islaamka inuu kaalin balaaran ka qaato tababaridda,tayeynta iyo sare u qaadida aqoonta iyo xirfadda shaqaalaha kala duwan ee dowladda , iyo fulinta mashaariic horumarin oo kala duwan oo wax ku ool u ah dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Kulankani oo jawi heer sare ah ku dhacay ayaa ku idlaaday farxad iyo guul.

 

Xafiiska Qeybta Warbaahinta iyo Xiriirka Bulshada ee Wasaaradda
Section of Press and Public Relations
 
Follow us on Twitter and Connect to our Facebook page
https://www.twitter.com/mofasomalia
https://www.facebook.com/mofa.somalia

Leave a comment

*

Archives
May 2014
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online