Buri Hamza oo kala qeyb galay qado sharaf danjirayaasha carabta ee ka howlgala Muqdisho.[Masawiro]

May 16, 2014 - Written by Editor

DSC05774Mogadishu:-Kulan qada sharaf ah oo uu soo agaasimay ambassador Mohamed Abdalla Idris oo ah Madaxa Ergada Ururka Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya, laguna qabtay Hotel Shamo ee Magaalada Muqdisho , laguna cazuumay dhammaan danjirayaasha carabta ee ka howlgala Soomaaliya , ayaa waxaa kala qeybgalay Wasiiru dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga H.E. Buri’ Mohamed Hamza iyo Xildhibaan Sharif Mohamed Sidi oo ka mid ah Xubnaha baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Kulanka qadada oo si heer sare ah u dhacay ayaa Wasiiru dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maal gashiga iyo danjirayaasha carabta ay isku xog wareysteen , taasoo qeyb ka ah sare u qaadida Xiriirka caalamiga si gaar ah xiriirka joogtada Wasaaradda la leedahay Safiirada ka howlgala Caasimadda dalka Soomaaliya ee Muqdisho.

Qadadani ayaa waxaa ka mid ah danjirayaasha ka qeybgalay Safiirada iyo Siihayayaasha Safaaradaha Saldanada Oman, DJabuuti ,Sudan,Masar,Libya,Yemen,Wakiilada Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC),Ururka Bisha Cas ee Qatar iyo  diblomaasiyiin kale.

no images were found


Kulanka qadada ayaa ku dhammaaday jawi farxad ay ku dheehan tahay.
Xafiiska Qeybta Warbaahinta
iyo Xiriirka Bulshada ee Wasaaradda

Leave a comment

*

Archives
May 2014
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online