Ciidamo ka tirsan kuwa badda Puntland oo xukun lagu riday.[Cod/Masawiro]

May 17, 2014 - Written by Editor

qaadiBoosaaso:-Maxkamada ciidamada qalabka sidda ee dowladda Puntland ayaa maanta waxaa ay xukun ku riday 14 askari oo ka tirsanaa Ciidanka badda Puntland ka dib markii ay sameeyeen gadood ciidan. 14 askar ee maanta la soo taagay Maxkamada ciidanka qalabka sidda ee dowladda Puntland ayaa waxaa ay gadood ciidan ay ka sameeyeen  xarunta ciidanka badda Puntland ee PMPF ee ku taal degaanka Qow ee gobolka Bari.

14 askari ayaa waxaa lagu xukumay mid kiiba 5 sano oo xariga balse waxaa loo ogolaaday in ay racfaan ka qaadan karaan xukunka lagu riday mudo dhan 30 cisho halka  saraakiil ka tirsanaa ciidanka badda Puntland loo soo celiyey xoriyadoodii ka dib markii lagu waayey wax danbi ah.Guddoomiyaha Maxkamada Ciidanka qalabka sidda ee Puntland Cabdifataax Xaaji Aadan ayaa  ku dhawaaqay xukunka isagoo sheegay in haddii aysan askarta la xukumay aysan wax racfaan ah aysan qaadan uu xukunku dhaqan geli doono.

Dhinac kale Guddoomiyaha Maxkamada Ciidanka qalabka sidda ee dowladda Puntland C/fataax Xaaji Aadan ayaa sheegay in maxkamada la horkeenay 3 eedeysane oo ku lug lahaa  labo gaari oo xamuul ah oo bishii 8-aad ee sanadkii la soo dhaafay ee 2013 lagu gubay tuulada loo yaqaan Yalho ee gobolka Bari in beri la soo taagi doono Maxkamada halka ciidanka  Booliska Puntand lagu amray in ay soo qabtaan eedeysanayaasha kale ee maqan.

no images were found

Hoos Ka Dhagayso Guddoomiyaha Maxkmada Ciidamada qalabka sida ee Puntland Cabdifataax Xaaji Aadan

[audio:http://k007.kiwi6.com/hotlink/g8i49udfet/eedaysanayaal.mp3]

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
May 2014
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online