Dowro diini ah oo qaar ka mid ah ardayda Machadka Ibnu xajar loogu soo gabagabeeyay Boosaaso[Masawiro]

May 17, 2014 - Written by Editor

2Boosaaso:-Dowradaani oo ay soo qabaqaabiyeen lajnada nashaadaadka ee machadka,  ayaa si gaar ah loogu qabtay qaar ka mid ah ardayda dhigata Machadka ibnu xajar Al-casqalaani, iyadoo socotay mudo bil ah.Gabagabadii dowrada ayaa munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay waxa loo qabtay ardaydii ka faa,iidaysatay dowrada, iyaagoo halkaa lagu gudoonsiiyay shaqaado ka qayb galid dowro.

Xafladan lagu soo afmeeray dowrada  ayaa waxa goob joog ka ahaa Masuuliyiin ya ka mid ahaayeen, Maamulka Machadka Ibnu xajar, mu’asasada Al-minhaaj iyo arday Farabadan oo ka mid ah ardaydii dowradan soo dhamaysatay.Guddoomiyaha lajnada nashaadaadka ardayda Ustaad C/xamiid Axmed Muumin oo ugu horayn Munaasabadan ka hadlay ayaa ka warbixiyay Dawradaan, wuxuuna Tilmaamay in dawradani oo mudo bil ah socotay  loogu talagalay in kor loogu qaado tayada aqooneed ee dhalinta Soomaaliyeed.

Ustaad c/xamiid ayaa intaasi ku daray in dawradani lagu bixiyay duruus la xiriirta Culuumta Islaamka iyo barashada kutubta diiniga ah.Maamulaha Machadka Culuumta Islaamka iyo Barashada Luuqada Carabiga ee Ibnu xajar  siciid cusmaan yuusuf( siciid dayib)  oo isna ka hadlay munaasabada ayaa ugu baaqay ardeyda inay bulshada uga faa’ideeyaan aqoonta ay heleen sidoo kalana ay kula laabtaan guryahoodii iyo ehelkoodii baahida weyn u qabay iftiiminta diinta Islaamka.

Guddoomiyaha waxbarashada iyo Dacwada ee Mu’asasada Al-Minhaaj qaybta Gobolka Bari, Kana mid ahaa Macalimiintii Dowrada Wax ka bixinaysay Ustaad Saciid Maxamed Diiriye oo isna xafladan ka hadlay ayaa xusay muhiimada ay leedahay  barashada diinta iyo ku dhaqankeeda, isagoona dhalintii dowrada loo qabtay ku booriyay inay ku dhaqmaan waxay barteen  siina gudbiyaan.

no images were found

Gabagabadii xaflada ayaa maamulka machadka ibnu xajar waxay gudoonsiiyeen shahaado kasoo qayb gal dhamaan ardaydii dhamaysatay dowrada. Sidoo kale waxa uu maamulku shahaado sharaf gudoonsiiyay macalimiintii dowrada bixinaysay.

Machadka ibnu xajar Al-casqalaani
Boosaaso,Somalia

Leave a comment

*

Archives
May 2014
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online