Gudoomiyaha Jaamacadda Imam oo kulan furan la yeeshay Ardayda & Macallimiinta Jaamacadda[Masawiro]

May 16, 2014 - Written by Editor

DSC05152Muqdisho:-Jaamacadda Imam waxaa ay qabatay Kulan Furan oo ay u qabatay Ardayda waxaan ka kulanka ka soo qeyb galay Guddoomiyaha Jaamacadda, Dr.Xassan Albasri Sh. C.qaadir iyo qeybaha kala duwan ee Maamulka Jaamacadda, Macallimiinta iyo Marti Sharaf kale.

Kulanka oo ahaa mid xiiso gaar ah lahaa waxaa lagu bilaabay Kalmado Baraarujin ah oo ay soo jeediyeen Macallimiinta qaar ka mid ah sida: Ustaad C.raxman Barrow iyo Sh. Axmed Sh. Cumar Nur, sidoo kale waxa ka hadlay Ustaad Abuubakar Xaaji Khalifa, oo ah Mas’uulka arrimaha Maamulka isagoo ka warbixiyay Jaamacadda iyo qeybaha ay ka kooban tahay iyo Nashaadaadkeeda xilligan.

Ka dib waxaa Kalmad ku aadan Arimaha Akaadiimiga ee Jaamacadda qaatay Ustaad: Shaafici C.caziz Xaaji Dhafe, oo ah Mas’uulka arimaha Akaadiimiga ee Jaamacadda, isag aoo ku dheeraaday Dadaalka Jaamacadda ay ugu jirto Horumarinta Manhajka oo uu tilmaamay in ay Jaamacadda Hormarwayn ka sameysay, isaga oo intaas ku daray Ballan-qaad ah in ay Jaamacadda u qaban doonto ardayda Siminaaro Free ah xilliga Fasaxa.

Intaa Kadib waxaa fursad la siiyay ardayda iyagoo soo gudbiyay su’aalo ku aadan Jaamacadda iyo xiriiradeeda, sidoo kalana soo bandhigay afkaar qiimabadan oo ku aadan Horumarka Jaamaadda. Ugudanbeyn waxaa ka hadlay Kulanka Gudoomiyaha Jaamacadda, Dr. Xasan Albasri Sh. C/qaadir, oo u mahadceliyay ka soo qeyb galayaasha si gaar ah Ardayda, isagoo ku dhiirri-galiyay in ay dadaalaan horeyna u socdaan.

Gudoomiyaha waxa uu ka jawaabay su’aalaha ay ardayd u soo jeediyeen, isaga oo tilmaamay in Jaamacaddu hadda mareyso meel lagu faani karo, xiriirkeeda Gudaha iyo dibadan uu aad u fiicanyahay, taasoo uu sheegay in ay Jaamacaddu xubin ka tahay Dallado kuhawlan Tacliinta Sare oo ka jira wadanka gudiiisa, sidoo kale ay jiraan Jaamacaddo dibada ah oo ay heshiisyo la gashay Jaamacadda, qaarkoodna hadda ay u socdaan wadahadallo.

no images were found

Gabagabadii waxa uu Gudoomiyuhu u mahadceliyay Macallimiinta Jaamacadda dadaalka ay ugu jiraan Fidinta Aqoonta iyo ka qeyb qaadashada Hormarka wadanka.

Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
May 2014
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online