Imtixaankii sanad-dugsiyeedka oo u bilowday ardayda sanadka 3aad ee machadka Al-furqaan Lascanod.[Masawiro]

May 17, 2014 - Written by Editor

IMG_0195Laascaanood:-Machadka alfurqaan ee culuumta shareecada iyo luqadda carabiga ee magaalada Lascanod ayaa maanta oo bishu tahay 17-05- 2014 waxaa ka bilowday imtixaankii sanad-dugsiyeedka ardayda ka baxaysa machadka ee sanadka 3aad. Tirada ardayda imtixaanka u fadhiisatay ayaa guud ahaan ah 167 arday kuwaas oo isugu jira 84 wiil iyo 83 gabdhood,iyadoo ay ardaydani noqonayaan dufcadii 6aad ee ka baxda machadka .

maamulaha machadka alfurqaan sh.yuusuf haybe Ibraahim ayaa sheegay in imtixaanku maanta u bilowday si habsami leh  kuna soo dhamaaday jawi wanaagsan,ayna filayaan in uu maalmaha soo socdana haddii alle idmo – sidaas oo kale ugu qabsoomi doono,isla markaana uu imtixaanku ku eg yahay 02-06-2014.

no images were found

Ugu dambayntiina waxa xusid mudan in machadka alfurqaan ee magaalada lascanod uu sanad walba soo saaro arday badan oo isugu jira wiil iyo gabdhaba,kuwaas oo ka qaybqaata dacwada iyo waxbarashada ka socota deegaanada kala duwan ee Gobolka Sool,iyadoona machadka iminka la dhigto xilliyada subaxdii iyo habaynkii tirada ardayduna ay guud ahaan noqonayaan 650 arday marka laga reebo ardaydan  imtixaanka u fadhiisatay ee  dhamaysana machadka.

Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
May 2014
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online