Khawaarijta Daacish oo weerar ku qaaday Amiirka Al-Qaacida Dr Ayman Al-Dawaahiri(Dhageyso)

May 12, 2014 - Written by Editor

BnW9-KSIgAA2sZtSuuriya:-Waxaa maanta lagu faafiyey Mareegaha taageera kooxda Daacish ee Khawaarijta ah fariin cod ah uu leeyahay Abu Maxamed Al-Cadnaani Afhayeenka kooxda Daacish  waxaana uu fariintiisa ugu magac daray (عــذراً أميـــر القـاعــدة ) .Afhayeenka kooxda Daacish ayaa waxaa uu aad isigu boohiyey fariinta uu soo diray waxaana uu sheegtay in kooxdiisa aysan marna ka mid noqon kooxda Al-Qaacida oo uu madaxda u yahay Dr Ayman Al-Dawaahiri.

Afhayeenka kooxda Khawaarijta ee Daacish Abu Maxamed Al-Cadnaani ayaa sidda dhaqanka u ahayd wuxuu ku beerlaxawsaday shacabka Muslinka weerar uu ku qaaday madaxda dowladaha Islaamka oo uu ku sheegay in ay gaalo yihiin wuxuuna xujooyin uu cuskado ka dhigtay hadlo ay leeyihiin madaxada Al-Qaacida sida Sh Usma Bin Laden,Salaabaan Abu Qeth , Abu Yaxye,Libi kuwaas oo gaaleysiinaya madaxada wadamada Islaamka waxaana arinkaas ku khilaafsan culumada waaweyn ee caalamka Islaamka kuwooda lagu kalsoonyahay diintooda iyo cilmigooda sida Sh Ibnu Baaz ,Sh Cuthaymiin ,iyo culumo kale oo badan .

Abu Maxamed Al-Cadnaani Afhayeenka kooxda Khawaarijta ee Daacish ayaa u soo jeediyey eedeymo culus madaxya weynta Al-Qaacida oo uu ugu horeeyo hogaamiyaha Al-Qaacida Dr Ayman Al-Dawaahiri waxaana uu yiri.

“لقد وضعت نفسك وقاعدتك اليوم أمام خيارين لا مناص عنها إما أن تستمر على خطأك وتكابر عليه وتعاند ويستمر الاقتتال بين المجاهدين في العالم وإما أن تعترف بخطئك وزلت وتصحح وتستدرك وها نحن نمد لك أيدينا من جديد لتكون خير خلف لخير سلف فقد جمع الشيخ أسامة المجاهدين على كلمة واحدة وقد فرقتها نمد لك أيدينا من جديد وندعوك للتراجع عن خطأك القاتل ورد بيعة الخائن الغادر الناكث فتغيظ بذلك الكفار.. انت من أيقذ الفتنة وأذكاها وانت من يطفأها إن اردت إن شاء الله فراجع نفسك وحقف موقفا لله وندعوك ثانيا لتصحيح منهجك وتصدع بردة الجيش الباكستاني والمصري والأفغاني والتونسي والليبي واليمني وغيرهم من جنود الطواغيت وانصارهم وعدم التلاعب بالأحكام والألفاظ الشرعية كقولك الحكم الفاسد والدستور الباطل والعسكر المتأمركين والدعوة صراحة لقتال جيش مصر جيش السيسي الفرعوني الجديد وإلى التبرؤ من مرسي وحزبه والصدع بردته وكفاك تلبيسا على المسلمين.”

Abu Maxamed ayaa eedeynta uu u soo jeediyey Dr Ayman ayaan ahayn mid cusub isaga oo ku eedeeyey in Dr Ayman uu qeyb weyn ka yahay dagaalka fitanta ee ka socda Suuriya bal wuxuu sheegay in uu isaga uu masuul ka yahay hurinayana dagaalada ka socda Suuriya kuwaas oo u dhexeeya kooxaha Islaamiyiinta iyo kooxda Khawaarijta ee Daacish wuxuuna ugu baaqay in uu ka laabto manhajka munxarifka ee haatan uu ku taagan yahay oo uu alle u toobad keeno .

Afhayeenka kooxda Khawaarijta ee Daacish Abu Maxamed Al-Cadnaani ayaa ugu baaqay hogaanka Al-Qaacida in ay manhajkooda cadeystaan wuxuuna ugu baaqay in Dr Ayman in uu cadeeyo manhajkiisa ku aadan ciidamada dalalka Pakistaan,Masar,Afgaanistaan, Tunis,Libiya,Yemen wuxuuna ku celiyey in waligood aysan ka mid noqon Al-Qaacida .Gaaleysiinta dhamaan cid walba oo u shaqeysa dowladaha caalamul islaami ayaa ah dhaqan lagu yaqaan kooxaha khawaarijta ah ee ka biyo cabay manhajka Takfiirka ee baadilka ah.

Abu Maxamed Al-Cadnaani ayaa wuxuu sheegay in Dr .Ayman aysan ka amar qaadan balse uusan waligiis ka war heyn kooxda Daacish wuxuuna ku eedeeyey in uu aqbalay baycada Khaain oo uu ula jeedo Amiirka kooxda Jabhada Al-Nusra Hogaamiyaha Jabhadda Nusra ee Suuriya Maxamed Jowlaani lana tacaadufay Madaxweynaha Masar Dr.Maxamed Al-Mursi.

“نعم مرسي المرتد الذي خرج إلى سيناء بجيشه لا لمحاربة اليهود بل لمحاربة الموحدين هناك فدك بطائراته ودباباته بيوتهم وبيوت المسلمين نعم ذلك المرتد الذي عين قاضيا نصرانيا صليبيا ليحكم على من أسر منهم وطبعا جاء الحكم بالإعدام فلماذا لم تنطر عليه؟ بل صورته مظلوما وترفقت به.. عذرا أمير القاعدة أن نتواضع لكم طواعية فنلتزم بالجماعة ونحرص على توحيد كلمة المسلمين ولو على حساب حقوقنا شيء، وأن تلزمنا جراء ذلك ببيعة وتبعية لكم فتحملنا جرم شق صف المجاهدين وسفك دمائهم الذي تسببت أنت به بقبولك بيعة الخائن الغادر شيء آخر

Afhayeenka kooxda Khawaarijta ee Daacish Abu Maxamed Al-Cadnaani ayaa ku qabsaday Macalinkiisa hogaamiyaha Al-Qaacida hadalo iyo wareysiyo uu bixiyey oo uu sheegay in uu isticmaalay erayo shareecada Islaamka aan waafqsaneyn.sida (الحكم الفاسد، والدستور الباطل، والعسكر المتأمركين)

Ugu danbeyntii ayaa Afhayeenka kooxda Khawaarijta ee Daacish Abu Maxamed Al-Cadnaani ayaa su,aalo dhowr ah weydiiyey Dr Ayman Al-Dawaahir oo uu ku sheegay in sida ciyaalkii kubad ay ku cayaarayaan kooxda Jowlaani iyo Jabhada Islaamiga .

Afhayeenka kooxda Khawaarijta ee Daacish Abu Maxamed Al-Cadnaani ayaa sida dhaqanka u ahayd wuxuu diiday in lagu kala baxo Maxkamad Sharci ah ee uu ku baaqay Dr Ayman Al-Dawahiri. Halkan ka Akhriso Fariinta Abu Maxamed Al-Cadnaani oo Qoraal ah

Afhayeenka kooxda Daacish ayaa sidoo kale diiday in kooxdiisa ay ka baxaan dalka Suuriya wuxuuna yiri

وأمّا عن مناشدتكَ لنا الانسحاب من الشام فلن نُعيد ونكرّر بأنّ هذا أمرٌ شبه مستحيل، غيرُ مُمكنٍ لا شرعاً ولا عقلاً ولا واقعاً، ولن نقول أن الشام باتَت اليوم أشدُّ حاجةً للدولة من الأمس غداة مهادنة النصيرية وبيعهِم المناطق، ولَن نقول أن المناطق التي تسيطر عليها الدولة الإسلامية في سوريا أكبر من المناطق التي تسيطر عليها جميع الفصائل والجماعات والأحزاب بمللها ونحلها، وأنّهُ لا حُكم في مناطق الدولة لغير الله تُقامُ فيها حدودُه، ولا سُلطانَ لغيرِ شرعِه؛ تُقامُ الصلاة وتُؤتى الزكاة، ويُؤمَر بالمعروف ويُنهى عن المنكر، بعزّ عزيزٍ أو بذلِّ ذليل، وإن رغمَت أنوف. وقد حلَّ في ربوعها الأمنُ والأمان بفضل الله وحده.

Dr Ayman Al-Dawaahiri ayaa isbuuc ka hor waxaa uu talooyin u soo jeediyey kooxaha Islaamiyiinta iyo kooxda Daacish wuxuuna si faahfaahsan uga hadlay in kooxda Daacish ay ka mid ahayd Al-Qaacida Halkan ka Eeg

Abu Maxamed Al-Cadnaani Afhayeenka kooxda Daacish ayaa si cad u diiday maxkamadii sharciga ee lagu kala bixi lahaa wuxuu yiri .

وأمّا المحكمة المستقلة التي تطالب بها فنقول لك: إنّ هذا أمرٌ غيرُ ممكن، بل مستحيل، بل هوَ طلبٌ تعجيزيّ من ضرب الخيال. لماذا؟.. لأنكَ شققت المسلمين شقّين لا ثالثَ لهُما؛ شقّ مع الدولة وأنصارها، وشقّ مع الفرق المُطالبة بالمحكمة المستقلّة، فلا توجد على وجه الأرض هيئةٌ مؤهَّلَةٌ مستقلّة يرضى بها الطرفان.

 
Hoos ka Dhageyso Baaqii Dr Ayman Al-Dawaahiri uú ku cadeeyey in Daacish ay ka mid ahayd AlQaacida

Afhayeenka kooxda Khawaarijta ee Daacish Abu Maxamed Al-Cadnaani ayaa mar kale ku celiyey in khilaafka u dhexeeya kooxda Daacish iyo Al-Qaacida uu yahay mid manhaji ah wuxuuna yiri –

“إنّ خلاصةَ الأمر أنّ الخلافَ بين الدولة الإسلامية وبين قيادة تنظيم القاعدة خلافٌ منهجيّ كما قالَ أميرُ التنظيم في لقائه الأخير مع مؤسسة السحاب، هذه هي القضيّة وليسَ بيعَةُ مَنْ لِمَنْ ومرجعيّة مَن لمَنْ، والتي أجهدَ أميرُ تنظيم القاعدة نفسَهُ لإثباتِها ولَم يُثبِتْها، ولَن يُثبِتَها

Hoos ka Dhagayso hadalkii Afhayeenka kooxda Khawaarijta ee Daacish Abu Maxamed Al-Cadnaani
Hoos ka Dhageyso MP3 Fariinta Codka ah ee uu soo diray Afhayeenka kooxda Khawaarijta ee Daacish Abu Maxamed Al-Cadnaani

[audio:https://ia601509.us.archive.org/22/items/kalimah_201405/Othran.mp3]

Ama Halkan (مُؤسَّسةُ الفــرقـان)
W/Q C/casiis Maxamed
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
May 2014
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online