Madaxwaynaha DFS Xasan Sheekh oo kulan la qaatay John Kerry (Masawiro)
May 3, 2014 - Written by EditorMuqdisho:-Madaxwaynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa kulan kula qaatay magalada Addis ababa ee xarunta dalka Itoobiya xoghayaha arrimaha diabdda Dalka Maraykanka John Kerry .
Xoghayaha arrimaha diabdda Dalka Maraykanka John Kerry ayaa laba maalin ka hor waxaa uu kulan kula yeeshay magaalada Adisababa wasiiradda arrimaha dibada ee dalalka Kenya Itoobiya iyo Uganda.
Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh iyo Xoghayaha arrimaha diabdda Dalka Maraykanka John Kerry ayaa waxaa ay ka wada hadleen arimo ay ka mid yihiin amaanka magaalada Muqdisho howlgalada ay wadaan ciidanka AMISOM iyo kuwa DFS ee ka dhanka ah kooxada Al-Shabaab
Xoghayaha arrimaha diabdda Dalka Maraykanka John Kerry iyo Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa kale oo ay ka wada hadleen qorshaha doorashada sanadka 2016 wuxuuna sheegay in dowladiisa ay taageero u fidin doonto DFS.
DFS ayaan wili ku guuleysan in ay sugto amaanka magaalada Muqdisho waxaana mar walba ka dhaca qaraxyo iyo dilal qorsheysan oo ay fuliyaan kooxda Al-Shabaab iyo mushaarsiinta ciidanka DFS oo mar walba dhibaateeya shacabka iyaga oo dhigta isbaarooyin .
no images were found
Gudoomiyaha Gobalka Banaadir Xasan Muungaab ayaa haatan wada dadaal uu ku sugayo amaanka magaalada Muqdisho isaga oo inta badan xilalkii ka qaaday gudoomiyaasha degmooyinka gobalka Banaadir.
A/Cawale
Halgan.net