Madaxwaynaha DFS Xasan Sheekh oo kulan la qaatay John Kerry (Masawiro)

May 3, 2014 - Written by Editor

1Muqdisho:-Madaxwaynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa kulan kula qaatay  magalada Addis ababa ee xarunta dalka Itoobiya xoghayaha arrimaha diabdda Dalka Maraykanka John Kerry .

Xoghayaha arrimaha diabdda Dalka Maraykanka John Kerry  ayaa laba maalin ka hor waxaa uu kulan kula yeeshay magaalada Adisababa  wasiiradda arrimaha dibada ee dalalka Kenya Itoobiya iyo Uganda.

Madaxweynaha DFS  Xasan Sheekh  iyo Xoghayaha arrimaha diabdda Dalka Maraykanka John Kerry  ayaa waxaa ay ka wada hadleen arimo ay ka mid yihiin amaanka magaalada Muqdisho howlgalada ay wadaan ciidanka AMISOM iyo kuwa DFS ee ka dhanka ah kooxada Al-Shabaab

Xoghayaha arrimaha diabdda Dalka Maraykanka John Kerry   iyo Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa kale oo ay ka wada hadleen qorshaha doorashada sanadka 2016 wuxuuna sheegay in dowladiisa ay taageero u fidin doonto DFS.

DFS ayaan wili ku guuleysan in ay sugto amaanka magaalada Muqdisho waxaana mar walba ka dhaca qaraxyo iyo dilal qorsheysan oo ay fuliyaan kooxda Al-Shabaab  iyo mushaarsiinta ciidanka DFS oo mar walba dhibaateeya shacabka iyaga oo dhigta isbaarooyin .

no images were found

Gudoomiyaha Gobalka Banaadir  Xasan Muungaab ayaa haatan wada dadaal uu ku sugayo amaanka magaalada Muqdisho isaga oo inta badan xilalkii ka qaaday gudoomiyaasha degmooyinka gobalka Banaadir.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
May 2014
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online