Madaxwaynaha Puntland oo lagu soo dhaweeyay Deegaano iyo Degmooyin katirsan Gobolada Bari iyo KarKaar.(Masawiro)

May 27, 2014 - Written by Editor

IMG_5575Boosaaso:-Madaxwaynaha Dowladda Puntland  Mudane Dr Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa maanta si rasmi ah u booq day Deegaano iyo Degmooyin katirsan Gobolada Bari iyo KarKaar ee Puntland. Wafdiga uu Hogaaminayay Madaxwayne Mudane Cabdiwali Gaas oo ka soo Ambabaxay Magaalada Qardho waxaa kamid ahaa Masuuliyiin ka kala socday Labada Gole ee Dowlada Puntland,Cabdiwahaab Ugaas Khaliif oo ahaa Raysal Wasaare ku xigeenku Hore ee Soomaaliya,Saraakil katirsan Madaxtooyada Puntland iyo Masuuliyiin Kale .

Ugu Horayn Madaxwaynaha iyo Waftigiisa ayaa waxaa ay gaaren Deegaanka Duud Hooyo iyo Waliba Degmada Rako oo ka tirsan Gobolka Kar-Kaar,waxana halkaasi si wanagsan ugu soo dhaweeyay Odayaasha, Dhalinyarada, Waxgaradka, Haweenka iyo Qaar kamid ahaa Bulshada Rayidka ah ee Halkaasi ku nool.

Deeganka Xiriiro oo Hoosyimaada Degmada Isku Shuban ee Gobolka Bari ayaa Madaxway naha iyo Waftigiisa waxaa halkaasi si diiran ugu soo dhaweeyay Gudoomiyaha Gobolka Bari Cabdisamad Maxamed Galan,Haween,Dhalinyaro iyo Masuuliyiin kale oo diyaar garow xoogan ugu jiray soo dhawaynta Madaxwaynaha Dowlada Puntland Mudane Dr Cabdiwali Maxamed Cali Gaas.

Mudadii uu Joogay Madaxwayne Mudane Cabdiwali Gaas Deegaanka Xiriiro,Waxa uu halkaasi kula kulmay Odayaasha iyo waxgradka deegaankaasi,isagoona uga mahadceliyay soo dhawayntii balaarnayd ee ay u sameeyen. Madaxwaynaha Dowalada Puntland iyo Waliba Wafdigii uu hogaaminayay oo ugu dambayn soo gaaray Degmada Isku Shuban,ayaa waxa ay halkaasi kala kulmeen soo dhawayn balaaran oo ay soo qaban qaabiyeen bulshada iyo Maamulka Degmada Isku Shuban ee Gobolka Bari.

Soo dhawaynta Madaxwaynaha Dowlada Puntland iyo Waftigiisa loogu sameeyay Degmada isku shuban,waxaa sidookale  ka qayb qaatay Wasiir ku Xigeenka Kalluumaysiga iyo Khyaraadka Badda Puntland Mudane Maxamed Maxamuud Gabax iyo Sidookale Agaasimaha Guud ee Ciidamada Badda Puntland Mudane Cabadinaasir Biixi Soofe.

Dhamaan Shacabkii iyo waxgaradkii ka qayb qaadanayay Soo dhawaynta Madaxwayne Gaas,ayaa ahaa kuwo iyagu safnaa wadooyinka,waxna ay wateen caleemo qoyan oo ay ku soo dhawaynayeen Madaxwaynahooda. Safarka Madaxwaynaha Dowlada Puntland uu kumarayo Gobolada Bari iyo Kar-Kaar,ayaa waxa ay qayb ka yihiin Safaro uu Madaxwaynaha Puntland ku marayay gobolada Puntland,isagoona u kuur galaya xaalada nololeed ee shacabka Puntland.

no images were found


Dhamaad
Xafiiska Warfaafinta,Wacyigalinta
Hiddaha iyo dhaqanke
ee Madaxtooyada Puntland.

Leave a comment

*

Archives
May 2014
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online