Madaxweynaha dowladda Puntland oo u socdaalay Gobolka Gardafuu
May 27, 2014 - Written by EditorBoosaaso:-Wafdiga uu hoggaaminayo madaxweynaha dowladda Puntland Dr. C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa saaka ka soo kicitimay magaalada Qardho ee xarunta Gobolka Karkaar isagoo ku sii jeeda gobolka Gardafuu. Wafdiga madaxweynaha dowladda Puntland Dr. C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa gaaray tuulada Xariiro oo ka tirsan deegaana Iskushuban ee gobolka bari ,Madaxweynaha Puntland iyo wafdigisa ayaa waxaa la filayaa in saacaddaha soo socda ay gaaraan deegaano dhoer ah oo ku yaal Bari fog gaar ahaan gobalka Gardafuu.
Madaxweynaha dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Cali Gaas ayaa horay waxaa uu u balanqaaday in dowladdiisu ay tegi doonto dhamaan gobollada Puntland gaar ahaan kuwa ka baxsan laamiga.
M_M_Deeq
Halgan.net