Madaxweynaha Puntland Iyo Madaxweynaha Dalka Yemen Abdi Rabbuh Mansur Hadi oo Kulmay.[Masawiro]
May 4, 2014 - Written by EditorSanca:-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta kulan rasmi ah kula qaatay magaalada Sanca Madaxweynaha Dawlada Yemen Mudane. Abd Rabbuh Mansur Hadi. Kulanka labada madaxweyne oo ka dhacay qasriga madaxtooyada dawlada Yemen ee magaalada Sanca ayaa ahaa kulan ahmiyad gaar ah leh, kaas oo muujinayey saaxiibtinimada soo jireenka ah ee ay lee yihiin labada wadan.
Madaxweynaha dawlada Puntlkand ayaa kulankiisii maanta ee uu la yeeshay madaxweynahada dawlada Yemen waxaa ku weheliyey weftigii balaadhnaa ee uu hogaaminayey. Dhinaca kale waxyaabihii looga wadahadlay kulankii maanta ay yeesheen madaxweynayaasha Puntland iyo Yemen ayaa waxaa looga wada hadlay xoojinta xidhiidhka labada wadan, adkaynta amniga iyo kor u qaadida xidhiidhka gannacsi ee qotada dheer ee ka dhaxeeya labada wadan..
no images were found
Sidoo kale waxaa iyana waxyaabahii aadka looga wada xaajooday ka mid ah dhinaca xiriirka wada shaqayneed ee dhinaca siyaasada labada wadan iyo sidii la isu dhaafsan ama la isu waydaarsan lahaa laba Qunsiliyadood oo laga kala furo magaalooyinka Sanca Iyo Garoowe, amuurtaasi oo la isku afgartay.
—DHAMAAD—
Xafiiska Warfaafinta,Wacyi-gelinta Iyo Hiddaha Iyo Dhaqanka
Ee Madaxtooyada Puntland.