Madaxweynaha Puntland Iyo Madaxweynaha Dalka Yemen Abdi Rabbuh Mansur Hadi oo Kulmay.[Masawiro]

May 4, 2014 - Written by Editor

IMG_2282Sanca:-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta kulan rasmi ah kula qaatay magaalada Sanca Madaxweynaha Dawlada Yemen Mudane. Abd Rabbuh Mansur Hadi. Kulanka labada madaxweyne oo ka dhacay qasriga madaxtooyada dawlada Yemen ee magaalada Sanca ayaa ahaa kulan ahmiyad gaar ah leh, kaas oo muujinayey saaxiibtinimada soo jireenka ah ee ay lee yihiin labada wadan.

Madaxweynaha dawlada Puntlkand ayaa kulankiisii maanta ee uu la yeeshay madaxweynahada dawlada Yemen waxaa ku weheliyey weftigii balaadhnaa ee uu hogaaminayey. Dhinaca kale waxyaabihii looga wadahadlay kulankii maanta ay yeesheen madaxweynayaasha Puntland iyo Yemen ayaa waxaa looga wada hadlay xoojinta xidhiidhka labada wadan, adkaynta amniga iyo kor u qaadida xidhiidhka gannacsi ee qotada dheer ee ka dhaxeeya labada wadan..

no images were found

Sidoo kale waxaa iyana waxyaabahii aadka looga wada xaajooday ka mid ah dhinaca xiriirka wada shaqayneed ee dhinaca siyaasada labada wadan iyo sidii la isu dhaafsan ama la isu waydaarsan lahaa laba Qunsiliyadood oo laga kala furo magaalooyinka Sanca Iyo Garoowe, amuurtaasi oo la isku afgartay.

—DHAMAAD—

Xafiiska Warfaafinta,Wacyi-gelinta Iyo Hiddaha Iyo Dhaqanka
Ee Madaxtooyada Puntland.

Leave a comment

*

Archives
May 2014
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online