Madaxweynaha Puntland oo la kulmay Raisulwasaaraha dalka Yemen(Masawiro)

May 4, 2014 - Written by Editor

1Yemen:-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdi-weli Max’ed Cali Gaas ayaa maanta kulan rasmi ah kula qaatay Ra’iisal Wasaraha Dawladda Yemen Mohamed Basindawa magaalada Sanca ee caasimada dalka Yemen.

Ra’iisal Wasaaraha Dawladda Yemen Mohamed Basindawa ayaa si diiran oo aad u saraysa usoo dhoweeyey Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdi-weli Gaas iyo Wafdigii uu hogaaminayey.

Kulankii maanta ee Madaxweynaha Dawlada Puntland Iyo Ra’iisal Wasaaraha dalkaasi Yemen ay yeesheen ayaa ahaa mid qaatay saacado badan, kaas oo looga wada hadlay sidii loo adkayn lahaa xiriirka soo jireenka ah ee u dhexeeya Puntland iyo Yemen, is bedellada dhanka siyaasadda ee ka dhacay Puntland iyo Yemen, arrimaha amaanka iyo kobcinta xiriirka ganacsi ee ay wadaagaan labada wadan.

Waxaa iyana sidoo kale isku afgartay in xafiiska Qunsuliyada Puntland laga furo magaalada Sanca ee caasimadda Yemen, sidoo kalena Dawladda Yemen lafteedu ay xafiiska Qunsuliyada Yemen ka furato magaalada Garowe ee Caasimadda Dawladda Puntland.

no images were found

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdi-weli Max’ed Cali Gaas ayaa saacadaha soo socda la kulmi doona Madaxweynaha Dawladda Yemen, waxaana kulankaasi uu ka qabsoomi doonaa aqalka madaxtooyada ee Dawladda Yemen ay ku leedahay Caasimadda Sanca.

 

—DHAMAAN—

Xafiiska Warfaafinta,Wacyi-gelinta Iyo Hiddaha Iyo Dhaqanka
Ee Madaxtooyada Puntland.

Leave a comment

*

Archives
May 2014
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online