Mufakiriinta Jaamacada Bariga Afrika oo Xaflad Sagootineed u qabtay Macalimiintooda.[Masawiro]

May 12, 2014 - Written by Editor

1Boosaaso:-Xafladaani oo ahayd mid si wayn loo soo agaasimay ayna ka soo qayb galeen Maamulka Jaamacada Bariga Afrika ,Hormuudka iyo Macalimiinta Kuliyada Shareecada Ardayda Dufcada 15aad ee haatan ka qalin jabinaysa Kuliyada Shareecada ee la magac baxay Mufakiriinta Jaamacada Bariga Afrika ayaa waxaa lagu qabtay Hoolka Shirarka iyo Xafladaha ee Amal Palaza.Xaflada oo ahayd Xafladii ugu horaysay ee nooceeda oo kale ah ayaa waxaa ay ka koobnayd ilaa laba qaybood oo kala ah , Qado sharaf iyo Qayb Macalimiintu ay kula dardaarmayeen Ardayda haatan qalin jabinaysa. Macalimiinta ayaa waxaa ay dardaarano kala duwan usoo jeediyeen ardayda iyaga oo sheegay inay aad ugu faraxsanyihiin sida ay u sharfeen ardadoodu.

Waxyaabihii Macalimiintu ay kula dardaarmeen Ardayda ayaa waxaa kamid ahaa inay fidi yaan Culuumtii kala duwanayd oo ay soo qaateen ayna waxbarashada horay usii wadaan , waxaa kale oo Macalimiintu ay Ardayda kula dardaarmeen inay marwalba xasuusnaadaan Cabsida Alle.
Macalimiintu waxaa ay Ardayda u cadeeyeen inay farxad wayn u tahay inay arkeen beertii ay beereen oo mira soo bixisay. Ardayda ayaa dhankooda waxaa ay dareemayeen Farxad aad u wayn , iyaga oo ka murugaysnaa kala go’a ku imaanaya Waxbarashadooda iyo kala tagga ay kala tagayaan Macalimiintooda.

Ugu danbayn waxaa Ardaydu ay Shahaado Sharaf gudoonsiiyeen Macalimiintii wax soo baraysay Mudadii ay Jaamacada dhiganayeen , waxaan ay tilmaameen inaysan gudo karin Xaqa iyo Abaalka Macalimiintoodu ku leeyihiin , iyaga oo intaasi ku daray in waxa ugu wayn oo ay Abaalkooda ku gudi karaan ay tahay inay sii gudbiyaan Cilmigii ay soo bareen.

Si kastaba ha ahaatee Xafladaani ayaa waxaa ay ka duwanayd gabi ahaanba Xaflada loo qabto Macalimiinta iyada oo Mufakiriinta Jaamacaduna ay soo bandhigi doonaan Qorsha yaal fara badan oo ka duwan kuwo horay loo yaqaanay ee Ardayda Dhaqanka u noqotay.

no images were found

Cabdiraxmaan Bilaal Cabdiraxmaan Sanka
 <sanka2014@gmail.com>

Leave a comment

*

Archives
May 2014
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online