Mu’tamarka Holland oo lasoo gebogabeeyay & Kafaalo Magazine oo la soo bandhigay (Masawiro)

May 4, 2014 - Written by Editor

IMG_2650Amsterdam:-Caasumadda Holland, Amsterdam waxaa maalmaha 30 April ilaa 04 May 2014 ka socday mu’tamarkii 6aad ee ay iskugu yimaadaan jaaliyadda Soomaaliyeed ee kudhaqan dalkaas iyo dalalka udhow sida Jarmalka, Beljim iyo Faransiiska. Tirada dadka Soomaaliyeed ee halkaa iskugu yimid ayaa lagu qiyaasayay inay 1000 ruux kor u dhaafayeen. Wuxuuna mu’tamarku kadhacay Masjidka Quba oo ay iibsadeen Soomaalida dalkaas Holland.

Mawduucyada

Mu’tamarkaan wuxuu kuwii hore uga duwanaa in mawduucyada diiniga ah ee looga bartay lagu soo daray kuwa maadi ah oo taabanaya xaaladaha ay la kulmaan qurba-joogto, sida hababka barbaarinta dhalinta oo uu Sh. Maxamed Idriis ka hadlay, hababka yareynta walwalka iyo walbahaarka oo uu Sh. Mustafe X. Ismaacil ka hadlay, siduu qofku u noqon lahaa qof waxtar leh oo uu Dr. Cali Maxamed Saalax ka hadlay iyo culuum bulsho iyo dhaqaale ee kuqoran Kafaalo Magazine oo uu Mukhtar Qoransay soo bandhigay.

Culimada

Goobta waxaa iskugu yimid qaybo kamid ah culimada Soomaaliyeed sida Sh. Suldaan, Sh. Maxamed Idriis, Dr. Cali Maxamed Saalax, Sh. Mustafe X. Ismaaciil, Sh. Yuusuf  Axmed, Sh. Axmed Daahir Aways , Sh. Cabdibaasid  iyo Sh. Daa’uud oo u dhashay dalka Kuwait., dhamaantoodna waxay jeediyeen duruus qiimo leh oo aan loo kala kicin 5-taas maalmood.

no images were found

Kafaalo Magazine 2014

Kafaalo Magazine oo la casuumay, ayaa goobta lagu soo bandhigay, iyadoo ujeedku ahaa siday dadka Soomaaliyeed uga faa’iidaysan lahaayeen culuumtaas kala duwan ee ku qoran magazine-ka. Iibsiga magazine-ka ayaana kor u dhaafay 1000 xabbo maalintii la daahfuray ilaa-iyo-maanta.

Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
May 2014
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online