Puntland iyo Beesha caalamka oo shir uga furmay Garoowe
May 21, 2014 - Written by EditorGaroowe:- Waxaa maanta shir uga bilaawday magaalada Garoowe ee xarunta Puntland xubno ka socda beesha caalamka, Safiiro iyo Hay’addaha deeqaha bixiya iyo madaxda dowladda Puntland. Shirka ka furmay magaalada Garoowe ayaa waxaa looga hadlayaa arrimaha Soomaaliya iyo siddii looga caawin lahaa kaabayaasha dhaqaalaha ee dalka Soomaaliya waxaa kale oo shirka looga hadlayaa siddii Puntland looga taageeri lahaa dhinac kaabayaasha dhaqaalaha iyo horumarka.
Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali oo ka qayb galay shirka ayaa sheegay in shirka uu yahay mid muhiim u ah Puntland ayna filayaa in wax ku ool ah uu ka soo baxo rajawo weyn ay ka qabaan in Puntland laga taageero horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha oo ay ugu muhiimsan yihiin garoomada diyaaradaha, dekedda iyo qalabaynta ciidamada amniga iyo xaruumaha dowladda Puntland.
Warka oo faahfaahsan dib ayaan idinkaga soo sheegi doonaa insha Allaahu.
M_M_Deeq
Halgan.net