Puntland oo laga xusay maalinta Aasaska Dhalinyaraddii SYL (Masawirro)

May 15, 2014 - Written by Editor

IMG_2943-450x300Garoowe:-Madaxwaynaha Dowladda Puntland Dr Cabdiwali Maxamed Cali Gaas iyo golahiisa xukuumada ayaa maanta xarunta Golaha Shacabka ee magaalada Garowe kaga qayb galay Xaflad balaaran oo lagu maamusayo maalinta Dhalinyarada Soomaaliya ee SYL. Munaasibada ayaa waxaa sidoo kale ka soo qayb galay,Golaha Wasiirada Puntland, Mudanayaasha baarlamanka Dowladda  Puntland ,Waxgarad, Isimo, Dhalinyaro ,Haween,iyo dhalinyaro tababar maalmihii ugu dambay say uga soconayay Garowe,oo ka kala yimid degmooyinka Buuhoodle, Laas-qoray iyo Towfiiq oo ka tirsan Puntland.

Mudadii ay socotay xaflada ayaa waxaa lagu soo bandhigay Riwaayad katurjumaysa dhibaatada ay leedahay Tahriibta, iyadoona dhalinyarada looga wacyigaliyay in ay ka feejignaadan dhibaatadaasi,noqdaana kuwo ka faa’iidaysta khayraadka dhulkooda ku jira .

Wasiirka Waxbarashada Dowlada Puntland Mudane Cali Xaaji Warsame ayaa cadeeyay in xukuumada Puntland ay door muhim ah ka qaadatay sidii xilal muhiim ah loogu soo magacabi lahaa jiilka soo koraya,isagoona tusaale u soo qaatay Maamulka Heer degmo iyo Heer gobol oo badan kood hogaanka u hayaan Dhalinyaro.

Mudane C/raxmaan Shiikh Axmed oo ah Wasiirka shaqada,shaqaalaha,dhalinyarada iyo Ciyaaraha Puntland oo hadalka qaatay ayaa isna ka dhawaajiyay in Wasaaradiisu ay ku mashquulsantahay sidii laysugu soo dhawayn lahaa dhalinyarada Puntland ee ku kala nool Gobolada Puntland .

”Waxa ugu muhiimsan waa dhalinyara,nimada,waxa ugu qiimo badana waa Nafta,waxana dhalinta kula talin in ay ka fiijignaadan khatarta Tahriibta,riwaayadii la soo bandhigayayna waxay ahayd wax xaqiiq ah ”Sidaasi waxaa yiri Gudoomiyaha Baarlamanka Dowlada Puntland Mudane Siciid Xasan Shire .

Madaxwaynaha Dowlada Puntland Mudane C/weli Maxamed Cali Gaas oo halkaasi ka hadlay ayaa ku dheeraaday ahmiyada ay maalintani u leedahay bulshada Soomaaliyeed,gaar ahaa Puntland iyo doorka dhalinyarada kaga aadan horumarka dalka, waxana uu tilmaamay in dhalinyaradu tahay laf dhabarka bulshada.

”Markaad wadankaaga joogto waxa aad badali karto iyo waxa aad samayn karto ee wanaga ah awood umalihid intaasi oo idil in aad dibada ka samayso,sabab too ah umad kale ayaad la joogta kaana tiro badan,laakin waxa yar ee Puntland aad ka samayso dadkaaga oo idil ayay gaaraysa”Ayuu yiri Madaxwaynuhu . Madaxwaynaha Dowlada Puntland Mudane C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa Sidookale ka sheekeeyay halgankii dheeraa ee loo soo galay madaxbanaanida dalka Soomaliya iyo doorki ay dhalinyardu ku lahaayeen halgankaasi.

no images were found

15-ka May sanadkii 1943 ayeey aheyd markii dhalinyaro Soomaaliyeed ay aas’aaseen ururkii gobanimo doonka ee SYL, waxaana ka soo wareegtay 71 sano,dhalinyaradaasina waxa ay ahaayen kuwo dareemay dhibaatooyinka gumeysiga kadibna ay si geesinimo leh ugu dhawaaqeen ururkii SYL, iyagoo adeegsanayay tab iyo xeelad kasta oo la isaga dulqaadayay heeryada gumeysigii reer Yururb.

DHAMAAD .
Xafiiska Warfaafinta,Wacyigalinta,
Hidaha iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland .

Leave a comment

*

Archives
May 2014
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online