Puntland oo xukun dil toogasho ah ku riday eedeysanayaal ka tirsan kooxda Al-Shabaab (Masawiro+Dhageyso)

May 3, 2014 - Written by Editor

11Boosaaso:-Maxkamadda darajada koowaad ee gobolada Bari, Sanaag, Hayland, Gardafuu iyo Karkaar ayaa waxaa maanta la keenay eedeysanayaal ka tirsan Ururka Al-Shabaab waxaana lagu riday xukun dil ah.

Maxakamada Darajada 1aad ayaa waxaa la horkeenay 4 qof oo la sheegay in ay ka tirsan yihiin kooxaha amniyaadka ee Ururka Al-Shabaab oo waxgarad badan ku dilay magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari waxaan lagu sheegay 4 qof magacyadooda.
1- Daa’uud Aadan ibraahim
2-Xasan Xuseen Cabdi,
3-Maxamad Cabdiqaadir Sheekh Axmad
5- Jaamac Maxamad Cabdullaahi.

Maxkamadda darajada koowaad ee gobolada Bari, Sanaag, Hayland, Gardafuu iyo Karkaar  ayaa waxaa ay dil toogasho ah ku xukuntay Jaamac Maxamad Cabdullahi oo la sheegay in uu ahaa sirdoon sahayda u qaabilsan kooxda Al-Shabaabka ee Galgala,waxaa kale oo dil lagu xukumay  Cabdiqaadir Sheekh Axmad ,Xasan Xuseen Cabdi oo lagu eedeeyey in uu ka soo dagaalameen Ceelasha Biyaha.

no images were found

Maxkamadda darajada koowaad ee gobolada Bari, Sanaag, Hayland, Gardafuu iyo Karkaa ayaa waxaa ay dib u dhigtay xukunkiisa Daa’uud Aadan ibraahim oo mobelkiisa laga helay saldhig ay qabsadeen ciidanka Puntland ee deegaanka Sugure.

Axmed Cabdi Godane ayaa waxaa uu soo galiyey magaalooyinka Gaalkacyo iyo Boosaaso kooxo amniyaad ah si ay dilal uga geystaan madaxada ,saraakiisha Puntland ,waxgaradka iyo culumada Puntland.

Hoos Ka Dhageyso Gudoomiyaha Maxkamadda darajda 1aad C/fitaax Maxamad Aadan

[audio:http://k007.kiwi6.com/hotlink/kn888pkt2b/Maxkamad.mp3] Halkaan ka Dhagayso Mp3

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
May 2014
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online