Qaban qaabada Caleema saarka Boqor Burhaan oo si weyn uga socota Qardho
May 22, 2014 - Written by EditorQardho:-Waxaa magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar ka socota diyaar garow aad u balaaran oo ku aadan caleema saarka Boqorka Beelaha Daarood Boqor Burhaan Boqor Muuse oo ka dhici doonta 25 bishaan magaalada Qardho. Gudoomiyaha guddiga qaban qaabada caleemo saarka aqoon yahan Nuur Maxamed Nuur oo horey u ahaan jiray gudoomiyihii hore ee daladda Punsaa oo la hadlay saxaafadda ayaa u sheegay in qabanqaabada caleema saarka Boqorka Beelaha daarood Boqor Burhaan Boqor Muuse ay meel fican marayso isagoo sheegay in la dhisay gudiyo kale duwan oo loo igmada caleema saarka Boqor Burhaan Boqor Muuse.
Guddoomiyaha guddiga qaban qaabada caleemo saarka aqoonyahan Nuur Maxamed Nuur ayaa waxaa kale oo saxaafadda uu uga warbixiyey in dhamaan wufuud kale duwan ay ka imaan doonto Dowladda federalka, dowladda Puntland, Dowladda deegaanka Soomaalida Itoobiya , Soomaaliland, dalalka Jabuuti ,Yemen iyo hogaan dhaqameedka Soomaaliyeed.
Gudiga qaban qaabada Xaflada caleema saarka Boqor Burhaan Boqor Muuse ayaa waxaa ay diyaariyeen ilaa in ka badan 50 guri oo loo asteeyey in la dejiyo martida ka qayb galaysa caleemasaarka Boqor Burhaan Boqor Muuse kuwaas oo ka soo qayb geli doono xaflada caleemasaarka.
Ciidanka amaanka ee magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar ayaa adkeeyey amaanka magaalada iyo goobaha loo asteeyey in lagu casumo madaxda ka soo qayb galaysa caleema saarka Boqorka beelaha daarood Boqor Burhaan Boqor Muuse.
M_M_Deeq
Halgan.net