Qarax ismiidaamin ah oo maanta ka dhacay magaalada Baydhabo
May 12, 2014 - Written by EditorBaydhabo:-Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Baay ayaa sheegay in qarax is miidaamin ah uu maanta ka dhacay Baydhabo qaraxaas oo dhacay meel ku dhow Dhismaha Xarunta Shirkadda Xawaalada ee Dahabshiil. Weerarkaan ismiidaaminta ah noociisa oo kale waxaa inta badan fuliya ciidanka ururka Al-Shabaab. Qarax ka dhacay Baydhabo ayaa waxaa uu ahaa mid aad u xooggan waxaa ku dhintay dad shacab ah oo gaarayey ilaa 10 qof halka dhaawacu uu kor u dhaafay 24 qof kale.
Qarax galabta ka dhacay magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Baay ayaa waxaa la sheegay in lala bartilmaamsanayey guddoomiyihii hore ee gobolka Bay C/fitaax Maxamed Geeseey ahna hadda wasiirka Arrimaha Gudaha ee Maamulka Koonfur Galbeed oo ku jiray maqaaxi aan sidaas uga fogeyn xarunta Xawaaladda ee Dahabshiil balse waxba kuma uusan noqon marka laga reebo laba askari oo ilaalo u ahayd oo qaraxa ku dhintay .
Qarax maanta ka dhacay magaalada Baydhabo ayaa waxaa dhimasho iyo dhaawac ay ka soo gaaratay dad rayid ah oo aan qayb ka ahayn dagaalka ka socda Soomaaliya, ilaa hadda ururka Al-shabaab ma aysan sheegan qarax. Qarax ka dhacay Baydhabo ayaa ku soo beegmay xili ururka Al-shabaab ay maalmo ka hor ay qarax ku dileen Xoghayihii hore ee Maamulka Gobolka Banaadir C/kaafi Hilowle Cusmaan oo ka dhacay inta u dhexeyso jidka Makka Al-mukarama iyo Is-goyska KM4.
Al-Shabaab ayaa qaraxyada ay fulinayaan waxaa inta badan ay galaaftaan dad shacab ah oo aan wax danbi ah galabsan shacabka Soomaaliyeed ay xasuusta qaraxyadii Hargaha iyo Saamaha iyo Hotel Shaamow oo ay ku dhinteen dad fara badan oo rayid ah.
Hogaamiyaha ururka Al-Qaacida Dr Ayman Al-Dawaahiri ayaa fariimo dhowr ah ee uu soo diray waxaa xusay in qaraxyada is miidaaminta si xun loo adeegsaday walow markii hore uu dhalinyarad u fatwooday in arrintaas ay tahay wax kaliya ee cadawga wax lagu gaarsiin karo balse Dr Ayman Al- Dawaahiri ayaa fariimihiisii ugu danbeey si cad ugu sheegay in qaraxyada aan loo meel dayin ee shacabka muslinka ah lagu leynayo iyo dilalka gaadmada ah ee lagu dilayo culumada ka aragti duwan Al-qaacid aysan banaanayn.
A/Cawale
Halgan.net