Qarax ismiidaamin ah oo maanta ka dhacay magaalada Baydhabo

May 12, 2014 - Written by Editor

Magaalada-BaydhaboBaydhabo:-Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Baay ayaa sheegay in qarax is miidaamin ah uu maanta ka dhacay Baydhabo qaraxaas oo dhacay meel ku dhow Dhismaha Xarunta Shirkadda Xawaalada ee Dahabshiil. Weerarkaan ismiidaaminta ah noociisa oo kale waxaa inta badan fuliya ciidanka ururka Al-Shabaab. Qarax ka dhacay Baydhabo ayaa waxaa uu ahaa mid aad u xooggan waxaa ku dhintay dad shacab ah  oo gaarayey ilaa 10 qof halka dhaawacu uu kor u dhaafay 24 qof kale.

Qarax galabta ka dhacay magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Baay ayaa waxaa la sheegay in lala bartilmaamsanayey guddoomiyihii hore ee gobolka Bay C/fitaax Maxamed Geeseey ahna hadda wasiirka Arrimaha Gudaha ee Maamulka Koonfur Galbeed oo ku jiray maqaaxi aan sidaas uga fogeyn xarunta Xawaaladda ee Dahabshiil balse waxba kuma uusan noqon marka laga reebo laba askari oo ilaalo u ahayd oo qaraxa ku dhintay .

Qarax maanta ka dhacay magaalada Baydhabo ayaa waxaa dhimasho iyo dhaawac ay ka soo gaaratay dad rayid ah oo aan qayb ka ahayn dagaalka ka socda Soomaaliya, ilaa hadda ururka Al-shabaab ma aysan sheegan qarax. Qarax ka dhacay Baydhabo ayaa ku soo beegmay xili ururka Al-shabaab ay maalmo ka hor ay qarax ku dileen Xoghayihii hore ee Maamulka Gobolka Banaadir C/kaafi Hilowle Cusmaan oo ka dhacay inta u dhexeyso jidka Makka Al-mukarama iyo Is-goyska KM4.

Al-Shabaab ayaa qaraxyada ay fulinayaan waxaa inta badan ay galaaftaan dad shacab ah oo aan wax danbi ah galabsan shacabka Soomaaliyeed ay xasuusta qaraxyadii Hargaha iyo Saamaha iyo Hotel Shaamow oo ay ku dhinteen dad fara badan oo rayid ah.

Hogaamiyaha ururka Al-Qaacida Dr Ayman Al-Dawaahiri ayaa fariimo dhowr ah ee uu soo diray waxaa xusay in qaraxyada is miidaaminta si xun loo adeegsaday walow markii hore uu dhalinyarad u  fatwooday in arrintaas ay tahay wax kaliya ee cadawga wax lagu gaarsiin karo balse Dr Ayman Al- Dawaahiri ayaa fariimihiisii ugu danbeey si cad ugu sheegay in qaraxyada aan loo meel dayin ee shacabka muslinka ah lagu leynayo iyo dilalka gaadmada ah ee lagu dilayo culumada ka aragti duwan Al-qaacid aysan banaanayn.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
May 2014
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online