Qaraxyo ka dhacay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya[Video]

May 16, 2014 - Written by Editor

qaraxkeynaNairobi:-Waxaa maanta labo qarax oo is xiga ay ka dhaceen magaalada Nairobi gaar ahaan Suuqa Gikomba ee ku yaal magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya , qarax koowaad ayaa la sheegayaa in ay ku dhinteen ilaa 4 qof halka tiro dhaawac ay jirto. Qaraxyadda ka dhacay Nairobi ayaa uu ku soo beegmaya xili maalin ka hor uu hogaamiyaha Al-shabaab Axmed Cabdi Godane uu fariin cod ah oo uu soo diray uu ku sheegay in dhaqaalaha Kenya uu hoos u dhacay isagoo uga digay in ay sii socdaan dhibaatada ay dowladda Kenya ku hayso Muslimiinta.

Ma jiro ilaa hadda koox sheegtay qarax balse qarax ayaa ku soo beegmaya sidoo kale ka dib markii dowladdaha Ingriiska iyo Maraykanka ay sheegeen in muwaadiniitooda ay isaga baxaan Kenya ka dib cabsi ay sheegeen in ay ka qabaan weeraro argagixisnimo oo ka dhaca gudaha dalka Kenya.

Dad badan oo Soomaali ah ee ku nool Nairobi ayaa saaka waxaa ay is wiidiinayaa wax isku beegay digniinta dowladdaha Ingiriisa iyo Maraykanka  ay u direen shacabkood ku sugan Kenya iyo fariinta uu soo diray hogaamiyaha Al-shabaab Axmed Cabdi Godane ee uu ugu digayo dowladda Kenya.

Weerarka ka dhacay maanta Nairobi ayaa  warar hordhac ah oo soo baxaya waxaa ay sheegayaan in qarax kowaad uu ahaa Bamka gacanta laga tuuro oo lala beeggsaday gaari kuwa rakaabka ah oo ay saarnaayeen ilaa 14 qof halka qarax labaad uu ka dhacay gudaha Suuqa Gikomba.

Saraakiisha caafimaadka ee Kenya ayaa warbaahinta u sheegay in ilaa 10 qof oo dhaawac ah la gaarsiiyey rugaha caafimaadka ee ku yaal magaalada Nairobi walow warbaahinta dalka Kenya ay baahinayaan in dhaawacu gaarayo 70 qof lagana yaabo in uu intaas ka bato.

no images were found

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta oo shacabka Kenya kala hadlay warbaahinta ayaa aad u cambaareeyey qaraxyadda ka dhacay magaalada Nairobi isagoo caafimaad  u rajeeyey dadkiisa ku dhaawacmay 2-da qarax.

Hoos ka Daawo Video dadka wax ku noqday qarax Nairobi

Hoos ka Daawo Khudbadii Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta’s uu jeediyey qaraxii Nairobi ka dib

Wixii war ah ee soo kordha dib ayaan idinkala socodsiin doonaa insha Allaahu

Source: standardmedia.co.ke

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
May 2014
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online