Qaraxyo kala duwan oo caawa ka dhacay magaalada Mombaza ee dalka Kenya (Daawo)

May 3, 2014 - Written by Editor

qaraxMombaza:-Wararka naga soo gaaraya magaalada Mombaza ee dalka Kenya ayaa sheegay in qaraxyo kala duwan ay ka dhaceen magaalada Mombasa ee dalka Kenya. Qaraxa ugu horeeyey ayaa waxaa uu ka dhacay boosteejo laga raaco basaska oo la yiraahdo Mwembe Tayari waxaana qaraxa ku dhintay ilaa 5 qof halka in ka badan 15 qof ay ku dhaawacmeen.Qaraxa Labaad ayaa waxaa uu ka dhacay baar ay tagaan dadka reer galbeedka ee dalxiiska u yimaada magaalada Mombaza wuxuuna ku yaalla Nyali. Ciidanka Booliiska ee Mombasa ayaa soo buuxdhaafiyey goobaha ay qaraxyadu ka dhaceen waxaana magaalada Mombaza caawa lagu arkayaa ciidamo raxan raxan u socda.

Sarkaal u hadlay ciidanka Booliska ee dalka Kenya ayaa sheegay in qaraxyada ay geysteen dad aan heybtooda la aqoon kuwaas oo weerarkooda u isticmaalay bambooyin gacanta laga tuuro. Dalka Kenya ayaa waxaa ka socda qorshe lagu barakicinayo Soomaalida hantida ku leh waxaana qorshaha wada kooxo si weyn u abaabulan .

 Hoos Ka Daawo Qarax ka dhacay magaalada Mombaza ee dalka Kenya.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
May 2014
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online