Ra’iisul wasaare DFS oo bogaadiyay horumarka shaqo ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda.[Masawiro].
May 18, 2014 - Written by EditorMogadishu:-Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya H.E.Dr.Abdiweli Sh Ahmed Mohamed ayaa maanta booqasho ku tagay xarunta Wasaaradda Arrimaha dibadda iyo dhiirigelinta Maalgashiga , halkaasoo uu ku soo dhoweeyay Wasiiru dowlaha Wasaaradda H.E. Buri’ Mohamed Hamza , danjirayaasha Soomaaliya uga wakiilka ah wadamada Italia iyo Germany ,agaasimayaasha waaxyaha iyo lataliyeyaasha kala duwan ee Wasaaradda.
Ra’iisul wasaaraha ayaa booqday Xafiisyada Arkiifiyadda ,ammaanka, Waaxyaha Maamulka,habmaamuuska, Qunsuliyadaha, Afrika iyo qeybo kale , waxa uuna la shiray qaar ka mid ah agaasimayaasha Waaxyaha. H.E.Dr. Abdiweli Sheikh Ahmed Mohamed ayaa ammaan iyo bogaadin ujeediyay howlaha kala duwan ee Wasaaradda ay qabato , isagoo arrin qiimo badan ku tilmaamay in uu badbaado Keydka Sirta ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo la unkay sanadkii 1954-tii.
no images were found
Booqashada Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya uu maanta ku kala indha-indheeyay qaabka shaqo ee Waaxyaha kala duwan ee Wasaaradda , ayaa waxa uu ku soo beegmayaa xilli Wasaaraddu ay qorsheyneysa isbadal ku dhisan hanaan horumarinaya geedi socodka shaqo iyo shaqaale ee Wasaaradda iyo ergada dibadda.
Xafiiska Qeybta Warbaahinta iyo
Xiriirka Bulshada ee Wasaaradda