RW DFS oo ka qayb galay kulan lagu soo Bandhigayey wax Qabadka Ciidanka Booliska (Masawiro)

May 4, 2014 - Written by Editor

IMG_0624Muqdisho:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed oo ay wehliyaan Wasiirka Amniga Cabdikarin Xusein Guuleed, Wasiiru dowlaha Amniga Da’ud Cabdikarin Sh. Cumar iyo Wasiiro ku xigeeno ayaacaawa booqday xarunta Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed si ay uga qayb galaan kulan lagu soo bandhigayey wax qabadka ciidanka oo ay soo qaban qaabiyeen hogaamada booliska iyo khabiiro diyaarinaya sidii dib u dhis balaaran loogu samayn lahaa ciidanka booliska.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa salaan sharaf ka qaatay Cutubyo ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliya, isagoo kormeer ku tagay qaybo kamid ah xarumaha ay Ciidamadda Boolisku hubka ku kaydsadaan oo dhawaan dib-u-habayn lagu sameeyay.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed General C/xakiin Daahir Siciid (Saacid) ayaa warbixin ka siiyay Ra’iisul Wasaaraha qaabka ay Ciidanka Booliska Soomaaliyeed u shaqeeyaan iyo hawlihii ay qabteen muddooyinkii laga soo gudbay.

“Ciidamadda Booliska Soomaaliyeed waxay qabteen hawlo badan oo ay kamid tahay dib u habayn lagu sameeyey xarumaha Ciidamadda Booliska , waxaana kor loo qaaday tayada iyo tirada Ciidanka si amniga dalka ay wax badan uga qabtaan” ayuu yiri Taliyaha Ciidanka Booliska oo ka hadlayay kulanka.

“Mudane Ra’iisul Wasaare waxaan diyaarinay Barnaamij aan isleenahay wax badan ayuu ka badalayaa amniga Caasimadda, Barnaamijkaan waa sidii laysugu xiri lahaa Booliska iyo Bulshada, ( Community Police) waxayna la shaqaynayaan Ciidamadda Booliska, waxaana lagu bilaabi shan kamid ah degmooyinka gobolka Banaadir, dhawaana waxaan rajaynaynaa inaa gaarsiino degmooyinka harsan iyo gobollada dalka, arintaana waxay qayb ka qaadanaysaa Amniga iyo isku xirka Booliska iyo Bulshada.

Ugu danbayn waxaa kulanka ka hadlay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed oo uga mahadceliyay Ciidanka Booliska Soomaaliyeed hawlaha badan ee ay qabteen muddooyinkii lasoo dhaafay, isagoo ku dhiiri galiyay in kor loo qaado hawlaha sugida Amniga iyo dib-u-habaynta Ciidamadda Booliska Soomaaliyeed.

no images were found

“Aad ayaan ugu riyaaqay wax qabadka aad soo ban dhigteen iyo qorshiihiin aad dib dhis ugu habaynaysaan Ciidanka Booliska, waxaana Xukuumaddu dadaal u gali doontaa sidii baahida aad soo jeediseen wax looga qaban lahaa, waxaana kulamo joogta ah yeelan doona xubno ka tirsan golaha wasiirada iyo taliska ciidanka Booliska si waqti badan loo galiyo dib u dhiska ciidanka iyo tayeeyntooda, taas oo haddii aan wax laga qaban ay adag tahay in amaanka qaabkii loo baahnaa loo wajaho”

—DHAMAAD—
Communication Department
Office of the PM
Mogadisho, Somalia

Leave a comment

*

Archives
May 2014
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online