Safiirka Isutagga Imaaradka Carabta u qaabilsan Soomaaliya oo tegay Garoowe[Masawiro]

May 20, 2014 - Written by Editor

IMG_3607Garoowe:-Waxaa maanta soo gaaray magaalada Garoowe ee xarunta dowladda Puntland Safiirka Isutagga Imaaradka Carabta u qaabilsan dalka Soomaaliya Mohamed Al-Cuthmani iyo ku xigeenkiisa Xuseen Darwiish iyadoo si weyn loo soo dhaweeyey.Safiirka Isutagga Imaaradka Carabta u qaabilsan dalka Soomaaliya Mohamed Al-Cuthmani ayaa waxaa  soo dhaweyntiisa waxaa ka qayb qaatay Xildhibaano , Wasiiro ka tirsan xukuumada Puntland, Saraakiil ka tirsan Madaxtooyadda Puntland, maamulka Gobolka Nugaal iyo qaar ka mid ah bulshada qaybaheeda kale duwan.

Ambassador Mohamed Al-Cuthmani ayaa markii uu ka soo degay garoonka diyaaradaha ee Garoowe waxaa uu mid mid u gacan qaaday Masuuliyiintii soo dhaweynaysay ee Dowladda Puntland ka dibna waxaa loo galbiyey Aqalka Madaxtooyadda Puntland ee Garoowe halkaas oo uu kulan gaar ah kula yeeshay Madaxweynaha dowladda Puntland Dr.C/weli Maxamed Cali Gaas iyo ku xigeenkiisa Eng. Cabdi xakiin Cabdulaahi Xaaji Cumar Camay.

Madaxweynaha dowladda Puntland Dr.C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa waxaa uu sheegay in dowladda Imaaraatka Carabta ay xiriir wanaagsan la leeyihiin Puntland ayna rajaynayaan in ay Puntland ay ka taageeraan dhinac horumarka ayna  maalgashtaan deegaanada Puntland.

no images were found

Madaxweynaha dowladda Puntland Dr.C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in maalinta beri uu ka furmi doono shir ay yeelan doonaan beesha caalamka iyo madaxda dowladda Puntland uuna ka qayb geli doono Ambassador Al-Cuthmani.

Ambassador Mohamed Al-Cuthmani ayaa waxaa uu mahad u celiyey dowladda Puntland sidda diiran ee ay u soo dhaweeyeen isagoo sheegay in ay dowladdiisu sii wadi doonto taageerada dowladda Puntand.

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
May 2014
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online