Safiirka DFS ee Ethiopia oo qado sharaf u sameeyey gudoomiye ku xigeenka Baarlamaanka.[Masawiro]
May 17, 2014 - Written by EditorEthiopia:-Wafdiga uu hogaaminayo Gudoomiye ku xigeenka Koobaad ee Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Jeeylaani Nuur Iikar ee ku sugan magaalada Addis Ababa ayaa waxaa maanta qado sharaf u sameeyey Danjiraha Dowladda Soomaaliya u fadhiya dalkan Ethiopia Danjire Axmed C/salaan Xaaji Aadan.
Qado sharaftan ayaa waxaa kasoo qeybgalay ka sokoow wafdiga Gudoomiye ku xigeenka Koobaad ee Golaha Shacabku hogaaminayo ee Xildhibaannada ah Danjiraha urur Goboleedka IGAD ee Soomaaliya Danjire Maxamed Cabdi Afeey Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka dalkan Ethiopia iyo marti sharaf kale.
Safiirka Dowladda Soomaaliya ee dalkan Ethiopia iyo urur goboleedka IGAD Danjire Axmed Cabdi Salaan Xaaji Aadan oo hadal kooban ka jeediyey munaasbaddan Qado sharafta aheyd ayaa xusay in u jeedadu ay tahay in magaalada Addis Ababa lagu soo dhaweeyo wafdigan uu hogaaminayo Gudoomiye ku xigeenka Koobaad ee Baarlamaanka.
Danjiraha urur goboleedka IGAD ee Soomaaliya Danjire Maxamed Cabdi Afeey oo isaguna khudbad kooban ka jeediyey Munaasabadda Qado sharafta ah ayaa ka hadlay sida ay dalalka urur goboleedka IGAD ula socdaan hormarrada uu
ku talaabsaday Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxaana uu xusay in qaabka uu u shaqeynayo Baarlamaanka Soomaaliya uu yahay mid mudan bogaadin iyo Hambalyo.
Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka dalkan Ethiopia oo iyaguna ka hadlay Munaasabadda Qado sharafta ah ayaa ka hadlay aragtidooda ku aadan qaabka uu xiligan u shaqeeyo Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya waxaana ay si isku mid ah hoosta uga xariiqeen iney bogaadiyaan howlaha shaqo ee Baarlamaanka Soomaaliya.
Gudoomiye ku xigeenka Koobaad ee Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Jeeylaani Nuur Iikar oo Munaasabadda ka jeediyey Khudbaddii ugu dambeysay ayaa ka hadlay marxaladda dalka gaar ahaan howlaha Baarlamaan ka waxaana uu xusay in waxyaabo badan la qabtay laakiinse Xildhibaannada iyo Gudoonka Golaha Shacabkaba ay ka go’an tahay in sanadka 2016ka ay dalkan gaarsiiyaan halka lagu haminayo oo ah iney ka dhacdo doorasho.
—DHAMAAD—
Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha Ee Gudoonka Baarlamaanka
Media & Public Relation Office Of Speaker
Email:- Media@parliament.gov.so