Safiirka DFS ee Ethiopia oo qado sharaf u sameeyey gudoomiye ku xigeenka Baarlamaanka.[Masawiro]

May 17, 2014 - Written by Editor

IMG_6529Ethiopia:-Wafdiga uu hogaaminayo Gudoomiye ku xigeenka Koobaad ee Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Jeeylaani Nuur Iikar ee ku sugan magaalada Addis Ababa ayaa waxaa maanta qado sharaf u sameeyey Danjiraha Dowladda Soomaaliya u fadhiya dalkan Ethiopia Danjire Axmed C/salaan Xaaji Aadan.

Qado sharaftan ayaa waxaa kasoo qeybgalay ka sokoow wafdiga Gudoomiye ku xigeenka Koobaad ee Golaha Shacabku hogaaminayo ee Xildhibaannada ah Danjiraha urur Goboleedka IGAD ee Soomaaliya Danjire Maxamed Cabdi Afeey Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka dalkan Ethiopia iyo marti sharaf kale.

Safiirka Dowladda Soomaaliya ee dalkan Ethiopia iyo urur goboleedka IGAD Danjire Axmed Cabdi Salaan Xaaji Aadan oo hadal kooban ka jeediyey munaasbaddan Qado sharafta aheyd ayaa xusay in u jeedadu ay tahay in magaalada Addis Ababa lagu soo dhaweeyo wafdigan uu hogaaminayo Gudoomiye ku xigeenka Koobaad ee Baarlamaanka.

Danjiraha urur goboleedka IGAD ee Soomaaliya Danjire Maxamed Cabdi Afeey oo isaguna khudbad kooban ka jeediyey Munaasabadda Qado sharafta ah ayaa ka hadlay sida ay dalalka urur goboleedka IGAD ula socdaan hormarrada uu
ku talaabsaday Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxaana uu xusay in qaabka uu u shaqeynayo Baarlamaanka Soomaaliya uu yahay mid mudan bogaadin iyo Hambalyo.

Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka dalkan Ethiopia oo iyaguna ka hadlay Munaasabadda Qado sharafta ah ayaa ka hadlay aragtidooda ku aadan qaabka uu xiligan u shaqeeyo Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya waxaana ay si isku mid ah hoosta uga xariiqeen iney bogaadiyaan howlaha shaqo ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Gudoomiye ku xigeenka Koobaad ee Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Jeeylaani Nuur Iikar oo Munaasabadda ka jeediyey Khudbaddii ugu dambeysay ayaa ka hadlay marxaladda dalka gaar ahaan howlaha Baarlamaan ka waxaana uu xusay in waxyaabo badan la qabtay laakiinse Xildhibaannada iyo Gudoonka Golaha Shacabkaba ay ka go’’an tahay in sanadka 2016ka ay dalkan gaarsiiyaan halka lagu haminayo oo ah iney ka dhacdo doorasho.

—DHAMAAD—

Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha Ee Gudoonka Baarlamaanka

Media & Public Relation Office Of Speaker

Email:- Media@parliament.gov.so

Leave a comment

*

Archives
May 2014
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online