Socdaalkii Dacwadeed ee Sh Umal gobalka S/Galbeed qeybtii 3aad (Masawiro)

May 12, 2014 - Written by Editor

20140502_070333Jigjiga:-Sheekh Maxamed Cabdi Umal oo ka mid ah culumada sida weyn looga yaqaan Soomaaliya iyo bariga Afrika ayaa socdaal dacwadeed wuxuu dhawaanahan ku marayey gobalka S/galbeed waxaana uu 23-04-2014  u anbabaxay dagmada dhanaan isagoo halkaa ku sugnaa sadex wuxuuna muxaadaro  ka jeediyey masaajidka Jaamica ee degmada Dhanaan wuxuu sido kale kale sheekhu kulamo kala duwan la yeeshay culumaudiinka iyo waxgaradka dagmada dhanaan.

24-04-2014 sheekhu wuxuu u anbabaxay isaga iyo wafdi culumo ah gobolka Afdheer waxaan halkaa ku soo dhaweeyey iyada oo aan loo kala harin  shacabka ku dhaqan gobolka afdheer wuxuuna sheekhu islamaalinkaa gaadhey dagmada Hargello oo xarun u ah gobolka afdheer waxaana si aad udiiran usoo dhaweeyey shacabka waynaha kudhaqan dagmada hargeelle sheekhu wuxuu ku qabtay afar muxaadaro masaajida kala duwan ee hargelle waxaana ka faa,iideystey dhaman shacabka kudhaqan hargeello waxa sido kale shekhu uu kulamo kala duwan la qatay culumada ku dhaqan hargelle iyago kawada Hadley dardar galinta dacwada degaanka somalida Ethiopia

Wuxuu sido kale sheekhu ka akhriyey masaajidka jamaca ee hargelle khudbadii jumcaha.26-04-2013 wuxuu Sheekh Umal socdaal kooban ku gaaray jarati waxaana soo dhaweeyey shacabka jarati iyo culuma,udiin  isagoo ku qabtay  sadex muxaadar oo kala duwan masaajidka jamaca ee jarati Sheekha ayaa kulamo looga hadlayey dacwada la qaatay waxgaradka iyo culumada Jarati.

Sheekh Maxamed Cabdi Umal ayaa dib ugu soo laabtay xarunta deeganka somalida Ethiopia jigjiga isago dib uga bilabay dacwadii uu waday jigjiga wuxuuna masaajidka wayn ee jamaca ku qabatay sadex muxaadaro ooy ka fa,iideysteen dadwayne tiro badan.

Sheekha waxaa si diiran nawaaxiga jigjiga ugu soo dhaweeyey golaha hay,ada alsunnah uguna horeeyo gudomiyaha mu,asada sunnah ee taclinta iyo dacwada Sheekh Maxamed Xassan Burcaawi iyo madax kale oo kala duwan.

no images were found

Intaas kadib wuxuu sheekhu hada socdaal dacwo ugu maqan yahay gobolka Nogob iyo gobola siti isagoo halkaa ka wada muxaadarooyin kala duwan . socdalka sheekha ee labadan gobol nogob iyo siti dib ayaan u soo gudbin doonaa akhristayaasha inshalaah.

Xafiiska iclaamka Mu,asasada Sunnah…..lasoco qaybta 4aad.​
Jigjiga, Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
May 2014
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online