Uganda oo lagu eedeeyey in ay tababar siyeen xubno ka tirsan Al-shabaab.[Video]
May 21, 2014 - Written by EditorUganda:-Taleefishinka laga leeyahay dalka Iran ee la yiraahdo Press Tv ayaa waxaa uu markii ugu horaysay baahiyey warbixin uu ku sheegay in dowladda Uganda ay tababarro siisay dagaal yahano ka tirsan ururka Al-shabaab. Saxaafadda dalka Uganda ayaa warbixino ku saabsan in dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab ay tababaro siiyeen AMISOM horay u faafisay iyagoo xusay in raggaan markii ay dib ugu laabteen magaalada Muqdisho ay ku biireen ciidanka Al-shabaab.
Saraakiisha ciidanka AMISOM ee Uganda iyo kuwa Midowga Yurub ee tababarka siinayey Ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa iska fogeeyey eedeymaha loo jeediyey iyagoo sheegay in aysan haynin wax caddeymo ah. Dhinac kale arrinka ah in xubno ka tirsan Al-shabaab lagu so tababaray dalka Ugand ayaa ilaa hadda waxaan ka hadlin Madaxda ururka Al-shabaab iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Hoos Ka daawo Warbixinta Taleefishinka dalka Iran ee Press Tv
A/cawaale
Halgan.net