Wasiirka arrimaha gudaha DFS oo hellay codka kalsoonida Baarlamaanka
May 18, 2014 - Written by EditorMuqdisho:-Wasiirka arrimaha gudaha ee dowladda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Goodax Barre ayaa maanta waxaa uu ka hellay codka kalsoonida Xildhibaanada Dowladda Federaalka Soomaaliya ka dib markii horay laga soo gudbiyey mooshan la doonayey in lagu ridayo.
Ilaa 147 Xildhibaan ayaa waxaa ay soo xaadireen kulanka ay maanta ku yeesheen xarunta golaha shacabka xildhibaanada Dowladda federaalka Soomaaliya waxaan wasiirka arrimaha gudaha C/llaahi Goodax Barre siiyey codka kalsoonida 115 Xildhibaan halka 18 Xildhibaana ay codka kalsoonida kala noqdeen wasiirka waxaan cod bixinta ka amuusay ilaa 11 Xildhibaan.
Wasiirka arrimaha gudaha iyo dowladda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Goodax Barre ayaa waxaa mooshin xilka looga qaaday ka soo gudbiyey ilaa 65 xildhibaan balse wasiirka ayaa maanta codka kalsoonida ka hellay Xildhibaanada Golaha baarlamaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Gabagabadii Kulanka Xildhibaanada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa natiijada cod bixnta waxaa ku dhawaaqay guddoomiyaha baarlamaanka DFS Prof.Maxamed Sh.Cismaan Jawaari isagoo sheegay in wasiirku howshiisa sii wadan karo.
A/cawaale
Halgan.net