Wasiirka arrimaha gudaha DFS oo hellay codka kalsoonida Baarlamaanka

May 18, 2014 - Written by Editor

goodaxMuqdisho:-Wasiirka arrimaha gudaha ee dowladda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Goodax Barre ayaa maanta waxaa uu ka hellay codka kalsoonida Xildhibaanada Dowladda Federaalka Soomaaliya ka dib markii horay laga soo gudbiyey mooshan la doonayey in lagu ridayo.

Ilaa 147 Xildhibaan ayaa waxaa ay soo xaadireen kulanka ay maanta ku yeesheen xarunta golaha shacabka xildhibaanada Dowladda federaalka Soomaaliya waxaan wasiirka arrimaha gudaha C/llaahi Goodax Barre siiyey codka kalsoonida  115 Xildhibaan halka 18 Xildhibaana ay codka kalsoonida  kala noqdeen wasiirka waxaan cod bixinta ka amuusay ilaa 11 Xildhibaan.

Wasiirka arrimaha gudaha iyo dowladda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Goodax Barre ayaa waxaa mooshin xilka looga qaaday ka soo gudbiyey ilaa 65 xildhibaan balse wasiirka ayaa maanta codka kalsoonida ka hellay Xildhibaanada Golaha baarlamaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Gabagabadii Kulanka Xildhibaanada  Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa natiijada cod bixnta waxaa ku dhawaaqay guddoomiyaha baarlamaanka DFS Prof.Maxamed Sh.Cismaan Jawaari isagoo sheegay in wasiirku howshiisa sii wadan karo.

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
May 2014
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online