Wasiirka G/Dhiga ee DFS oo gaaray Degmada Garbaharey ee gobalka Gedo

May 15, 2014 - Written by Editor

Maxamed Sheekh Xasan XaamudGedo:-Wasiirka Gaashaandhiga ee DFS Maxamed Sheekh Xasan Xaamud  iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Garbaharey ee xarunta Gobolka Gedo waxaana wasiirka socdaalkiisa ku weheliya saraakiil ka tirsan DFS.

Wasiirka Gaashaandhiga ee DFS Maxamed Sheekh Xasan Xaamud  ayaa waxaa uu maanta kulamo kala duwan la qaatay Maamulka Degmada Garbaharey  ,Odayaasha  iyo waxgaradka.

Maxamed Sheekh Xasan Xaamud Wasiirka Gaashaandhiga ee DFS ayaa waxaa ujeedada socdaalkiisa lagu sheegay in uu wax ka soo qabto khilaafka ka dhex aloosan qaar ka mid ah siyaasiyiinta gobalka Gedo kaas oo sababay marar kala duwan gacan ka hadal.

Wasiirka Gaashaandhiga ee DFS Maxamed Sheekh Xasan Xaamud  ayaa waxaa la filayaa in maalmaha soo socda uu gaaro magaalada Beled-Xaawo halkaas oo dhiilo colaadeed ay ka aloosan tahay taa u dhexeysa maleeshiyaad kala taageersan Guddoomiyaha gobolka Gedo Maxamed Cabdi Kaliil  iyo guddoomiyihii hore ee degmada Doolow C/rashiid Janan.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
May 2014
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online