Wasiirka Warfaafinta Puntland oo shirjaraa’id qabtay.[Dhagayso]

May 20, 2014 - Written by Editor

indhaguranGaroowe:-Wasiirka Warfaafinta dowladda Puntland C/wali Xirsi Cabdule Indha guran ayaa shir jaraa’id oo uu qabtay waxaa uu faahfaahin uga bixiyey safarkii Madaxweynaha dowladda Puntland Dr. Gaas uu ku tegay degmooyinka gobolka Mudug.Wasiirka Warfaafinta dowladda Puntland C/wali Xirsi Cabdule Indha guran ayaa sheegay in safarkii Madaxweynaha Puntland uu ku tegay degmooyinka Gobolka Mudug uu ku soo dhamaaday guul isagoo sheegay in lagu guulaystay in la soo dhiso golayaashii degaanka ee degmooyinka ee gobolka Mudug.

Dhinac kale Wasiirka Warfaafinta Puntland C/wali Xirsi Cabdule Indha guran ayaa sheegay in intii ay ku sugnaayeen Gobolka Mudug ay kulano kale duwan ay la qaateen waxgaradka  iyo cuqaasha Mudug  si loo xaliyo wixii jira oo khilaafaad ah ee jiri karay.

Wasiirka Warfaafinta dowladda Puntland C/wali Xirsi Cabdule Indha guran ayaa sheegay in gobolka Mudug la geeyey ciidamo Birmad ah oo gaaray ilaa 100 askari oo lagu soo tababar degmada Carmo iyagoo lagu guulaystay in la qaado dhamaan is baarooyinkii yaalay.

Wasiirka Warfaafinta dowladda Puntland C/wali Xirsi Cabdule Indha guran ayaa xusay in gobolka Mudug la adkeeyey amnigiisa ka dib markii ay ka dhaceen falal argagixiso iyo dilal qorshayn taasna ay sababtay in dowladda Puntland ay awood saarto.

Hoos ka Dhagayso shirka Jaraa’i d ee uu qabtay Wasiirka Warfaafinta Puntland C/wali Xirsi Cabdule Indha guran

[audio:http://k007.kiwi6.com/hotlink/ftnypn9p82/Indhaguran.mp3]

Halkaan ka Dhagayso Mp3

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
May 2014
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online