Xog-hayihii hore ee gobolka Banaadir oo qarax lagu dilay
May 3, 2014 - Written by EditorMuqdisho:-Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Xog-hayihii hore ee gobolka Banaadir, Cabdikaafi Hilowle Cismaan uu maanta ku dhintay qarax miino oo ka dhacay agagaarka isgoyska KM4.
Qaraxa ayaa waxaa kale oo uu geystay khasaare leh dhimasho iyo dhaawac waxaana u badnaa dadka wax ku noqday dad rayid ah iyo arday wadada mareysay.
Qaraxa lala eegtay gaariga Xog-hayihii hore ee gobolka Banaadir, Cabdikaafi Hilowle Cismaan ayaa waxaa uu ka dhacay agagaarka isgoyska KM4,waxaana sidoo kale ku dhintay sadex askari oo ahaa ilaada Xog-hayihii hore ee gobolka Banaadir, Cabdikaafi Hilowle
Halka uu qaraxu ka dhacay ayaa waxaa soo gaaray ciidamo ka tirsan DFS iyo kuwa AMISOM waxaa laga qaaday goobta dad rayid ah oo qaraxa ku dhaawacmay.
Dhanka kale waa qarax lagu dili lahaa ka badbaaday Cabdullaahi Axmed Xuseen oo ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka DFS
Dilalka iyo qaraxyada lagu dilo masuuliinta ka tirsan DFS laguna gumaado shacabka Soomaaliyeed ayaa waxaa geysta kooxda Al-Shabaab .
A/Cawale
Halgan.net