Xog-hayihii hore ee gobolka Banaadir oo qarax lagu dilay

May 3, 2014 - Written by Editor

Cabdi Kaafi HilowleMuqdisho:-Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Xog-hayihii hore ee gobolka Banaadir, Cabdikaafi Hilowle Cismaan uu maanta ku dhintay qarax miino oo ka dhacay agagaarka isgoyska KM4.

Qaraxa ayaa waxaa kale oo uu geystay khasaare leh dhimasho iyo dhaawac waxaana u badnaa dadka wax ku noqday dad rayid ah iyo arday wadada mareysay.

Qaraxa lala eegtay gaariga Xog-hayihii hore ee gobolka Banaadir, Cabdikaafi Hilowle Cismaan ayaa waxaa uu ka dhacay agagaarka isgoyska KM4,waxaana sidoo kale ku dhintay sadex askari oo ahaa ilaada Xog-hayihii hore ee gobolka Banaadir, Cabdikaafi Hilowle

Halka uu qaraxu ka dhacay ayaa waxaa soo gaaray ciidamo ka tirsan DFS iyo kuwa AMISOM waxaa laga qaaday goobta dad rayid ah oo qaraxa ku dhaawacmay.

Dhanka kale waa qarax lagu dili lahaa ka badbaaday Cabdullaahi Axmed Xuseen oo ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka DFS

Dilalka iyo qaraxyada lagu dilo masuuliinta ka tirsan DFS laguna gumaado shacabka Soomaaliyeed ayaa waxaa geysta kooxda Al-Shabaab .

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
May 2014
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online