Ciidanka DFS oo bilaabay Howlgalo lagu sugayo amaanka magaalada Muqdisho

June 29, 2014 - Written by Editor

howlgaloMuqdisho:-Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in saaka ay ka socdaan baaritaano lagu sugayo amaanka Degmooyinka magaalada Muqdisho waxaana howlgalada lagu qabtay boqolaal qof.

Ciidanka DFS ayaa saaka waxay galeen qaar ka mid ah degmooyinka magaalada Muqdisho waxaana ay guri guri u galeen xaafadaha qaarkood gaar ahaan  Degmada Dharkenley Ee Gobolka Banaadir.

Saraakiisha ciidanka DFS ayaa waxaa ay ugu magac dareen howlgalada ay wadaan “Nabad ku Afur”waxaana dadkii ay howlgalada ku qabteen ku xireen saldhigyada magaalada Muqdisho.

Sarkaal u hadlay ciidanka DFS ayaa sheegay in ay baaritaano ku wadaan dadkii ay qabqabteen isaga oo sheegay in la kala saari doono oo cidii aan danbi lahayn ay sii deyn doonaan.

Howlgalada ay ciidanka DFS ka bilaabeen qaar ka mid Degmooyinka magaalada Muqdisho ayaa ku soo aaday xili ay hanjabaadyo direen kooxda Al-Shabaab iayaga oo sheegay in ay kordhin doonaan qaraxyada iyo dilalka ay ka geystaan magaalada Muqdisho.

Waalidiinta dhalinyarada lagu qabtay howlgalada ay wadaan ciidanka DFS ayaa walaac ka muujiyey in ciidanka DFS aysan kala saarin xubnaha ka tirsan Al-Shabaab iyo dhalinyarada aan wax lug ah ku lahayn dhibka ay geystaan kooxda Al-Shabaab.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
June 2014
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online