Ciidanka S/land oo duulaan ku qabsaday degmada Taleex ee Gobolka Sool

June 12, 2014 - Written by Editor

slTaleex:-Wararka naga soo gaaraya degmada Taleex ee Gobolka Sool ayaa sheegay ciidamo ka socda Somaliland ay weerar ku soo qaadeen magaalada Taleex xili  magaalada uu ka socday Shirka Khaatumo 3 oo beelaha dega gobolka Sool , Sanaag iyo Cayn ay uga tashanayeen aayahooda. Ciidamada S/land ee qabsaday degmada Taleex ayaa la sheegayaa in ay ka yimaadeen  degmada Holhol iyo Laascaanood  iyo degaano kale oo ay ku sugnaayeen ciidanka S/land.

Dhamaan siyaasiyintii iyo  Issimadii Khaatumo ayaa isaga baxay gudaha magaalada waxaan la sheegayaa in qaar ka mid ah ciidanka S/land soo galeen magaalada  Taleex si nabadgelyo walow wararka qaar ay sheegayaan in ciidankodu ay fariisamo ka samaysteen duleedka magaalada

Wararka ka imaanaya degmada Taleex ayaa sheegay in jawiga magaaladu uu yahay mid kacsan waxaan masuuliyiintii waday Shirka Khaatumo 3 la sheegayaa in ay u baxeen dhinac tuulada Xallin oo 40 Km u jirta  degmada Taleex. Ma  jirto ilaa hadda wax war ah oo ka soo baxay masuuliyintii ciidanka maamulka Kaatumo ee uu shirka uga socday degmada Taleex ee gobolka Sool.

Warka oo faahaahsan dib ayaan idnkaga soo gudbin doonaa insha Allaahu.

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
June 2014
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online