Dowraadkii Cilmiga ay wadeen culimo Sacuudi ah oo la soo afmeeray.[Masawiro]

June 25, 2014 - Written by Editor

20140625_160701Johannesburg:-Waxaa maanta soo gabagaboobay dowraadkii ay wadeen culimadii Sacuudi yaanka ahaa ee safarka dacwada ku yimid dalkan Koonfur afrika, culimada oo ku soo laabtay magaalada Johannesburg isniintii 23/06/2014 ka dib markii ay 3 maalmood ay muxaadaraad iyo dowraad sharci ah ay ku soo qabteen Capetown, culimada ayaa waxay booqdeen maalintii shalay ahayd magaalada Rustenburg markazka cusub ee albayaan oo aan wali la dhamaystirin lacagtii lagu iibiyay laakiin ku soo wareegay golaha dacwada ee albayaan.

Waxaa saakay salaadii subax ka dib kulan ku yeeshay masjidka imaamu Shaafici ee Johannesburg Dr.Cali bin Saalix Al-maxmaadi iyo ardaydii ka faa,iidaysatay dowraadkii culimada ay qabteen, kulankaas oo ahaa kulan uu si gaar ah kula dardaarmaayey ardayda cilmiga sharciga ah, halkaas oo ay ardaydu su,aalo ay waydiiyeen diktoorka su,aalahaas oo u badnaa sida cilmiga sharciga loo dalbo iyo manhajka ay raaci jireen salafkii hore .

culumadu waxaa ay qabteen salaadii duhur kadib kulan aad u balaaran oo ay ujeediyeen dadwaynaha iyo ardaydaba ayagoo aad ugu mahad celiyay ardaydii iyo dadwaynihiiba, sidoo kale culimada waxay u mahad celiyeen Jaaliyada Soomaalida iyo Majliska Al-bayaan ayagoo ku amaanay sidda fiican ee ay dacwada uga wadaan Koonfur afrika .

Ugu danbaystii waxaay culimadu u ambabaxeen saacadu markay ahayd 05tii iyo 45 galabnimo dalka Sacuudi Carabiya ayadoo ay sii sagootiyeen masuuliyiinta Majliska Al-bayaan iyo qaar ka mid ah ducaada magaalada Johanesbarg, oo ay ka mid yihiin Sh. Xassan Guure amiirka guud ee albayaan, Sh.Axmed Dheere xoghayaha guud ee Al-bayaan Sh. Yuusuf iyo cabdi rizaaq mowlaana oo ka mida ah asaasa yaasha Majliska Al-bayaan.

no images were found

Waxaa kaloo wax ka sagootiyay culimada gudoomiyaha gudiga dacwada gobolka Gauteng ee albayaan sheikh maxamad aadam cabdulle iyo sheikh qaasim cabdi hayaan oo kamid ah gudiga dacwada iyo ducaad kale.

Waxaa Diyaariyey

Maxamed Adan Abdille

Madax Dacwada Gobolka

Gauteng ee Al-bayaan

Leave a comment

*

Archives
June 2014
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online