Dowradii Ardeyda ee Gaalkacyo oo maanta la soo Afmeeray (Masawiro)

June 12, 2014 - Written by Editor

DSC02061Gaalkacyo:-Maanta oo taariikhdu tahey 14 Shacbaan, 1435H kuna began 12 June, 2014, waxaa Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug lagu soo gaba gabeeyay Dowro u socotey Ardeyda Dugsiyada Sare ee Dhanka Koonfureed ee Dowlada Gal-mudug.

Dowrada oo socotey 6 cisho, waxaa abaabulkeeda & qabashada laheyd Mu’asasada SAFA ee Dacwada & Horumarinta, waxaana ka faa’iideystay Ardey dhan 150 oo kala socotey Dusgiyada Sare ee Galmudug.

Duruus kale duwan oo kor u qaadaya aqoonta & garaadka ardeyda ka qeyb gashey ayaa ka baxey Dowrada intii ay socotey, waxey noqo neysaa tii ugu horeysay ee loo qabto ardeyda, waxaana la filaya sanadaha danbe sidoo kale in loo qabto.

Qeybo ka mida duruusta sidoo kale ka baxdey Dowrada Ardeyda ka faa’iideystey waxey u gogol xaarayeen sidey Waxbarasha cusub ee Jaamada u waajahayaan. Waxey sidoo kale ku qaateen duruus ku saabsan Waajibka ka saran ixritaamka bulshada ay ku dhex nool yihiin gaar ahaan Culimada & Dadka kale ee cilmiga ka qaadanayaan.

Xafladii xirtaanka ee Dowrada waxaa ka soo qeyb galey Wasiirka Waxbarashada Dowlad Goboleedka Galmudug mudane Maxamed C/qaadir Xaashi, Gudoomiyaha Jaamacada Gaalkacyo, Ma’uuliyiin ka socotey Mu’sasada SAFA, Culimo udiin, Ganacsato iyo qeybo kale oo ka mida Bulshada Maagaalada.

no images were found

Ugu danbeyn Xaflada xiritaanka ee Dowrada waxaa shahaado ka qeyb gal la gudoon siiyey Ardeydii ka faa’iideysatey

المحاضرة الثالثة المحاضرة الثانية المحاضرة الأولى الأيام
إدارة الوقت دور الطالب في الدعوة عقيدة المسلم اليوم الأول
كيف تنجح في الحياة طلب االعلم الشرعي عصمة الدم المسلم اليوم الثاني
فن التعامل مع الناس المسؤولية كلكم راعي بر الوالدين اليوم الثالث
كيف تختار تخصصك الجامعي اتق الله حيثما كنت أخلاق النبي صلى الله عليه وسلم اليوم الرابعة
علو الهمة العلماء ورثة الأنبياء أخلاقيات الفتاة المسلمة اليوم الخامسة

 

 

Musasat Al-Safa
Gaalkacyo
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
June 2014
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online