Gudoomiyaha Baarlamaanka DFS Oo Booqday Xarunta Baarlamaanka dalka Jabuuti (Masawiro)

June 25, 2014 - Written by Editor

_DSC0504Jabuuti:-Gudoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sh.Cusmaan Jawaari oo wafdi uu hogaaminayo ay ku sugan yihiin dalkan Jabuuti ayaa maanta booqday xarunta Baarlamaanka ayadoo Gudoomiyahana uu Khudbad u jeediyey Xildhibaannada. Ugu horeyn Gudoomiyaha Baarlamaanka Dalka Jabuuti Mudane Idiris Arna’ud Cali oo furay kulanka ayaa kusoo dhaweeyey Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo Wafdiga Xildhibaannada ah ee la socda xarunta Baarlamaanka ayaa tilmaamay inuu aad ugu faraxsanyahay imaanshaha wafdigan waxaana uu ballan qaaday in Baarlamaanka Jabuuti ay ka go’antahay wadashaqeynta iyo taageerrada Baarlamaanka walaalahooda ah ee Soomaaliya.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan  Jawaari oo khudbad dheer u jeediyey Baarlamaanka Jabuuti ayaa ugu horeyn ammaanay garab istaaga dowladda Jabuuti ee shacabka iyo Dowladda  Soomaaliya waxaana uu yiri “gacan siintii aad ka geysateen dhismaha xukuumadahi xilliga ku meel gaarka ahaa, kuwaas oo soo suurtogeliya jirsiinta Golaheena Shacabka Soomaaliyeed aan manta magaciisa idinkula hadlaayo idinkuna mahadcelinaayo. Intaa ugama aad harin, gurmadkii abaarahii adkaana kaalmo aadaneed ayaad degdeg dalka ula soo gaarteen. Haddadan aan idinla hadlayana waxaa dalka ku suga wilal iyo gabdho ka tirsan Ciidamada Qalabka Sida ee Jumhuuriyadda Djibouti ayaa ku hawlaan xasillinta dalka oo haygan u ah inay naftooda u huraan soo celinta midnimada umadda soomaaliyeed, howlgal la magic baxay “HIIL WALAAL”.

no images were found

Dhinaca kale Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa khudbadiisa uga hadlay howlaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya waxaana uu xusay in Golaha Shacabka ay howlo badan u qabsoomeen islamarkaana ay gudoonka iyo xildhibaannada ay ka go’antahay in dalkan ay gaarsiiyaan yoolka la hiigsanayo oo ah in dalka ay ka dhacdo doorasho sanadka 2016ka,ugu dambeyntiina waxa uu adkeeyey wadashaqeynta labada Baarlamaan ee Soomaaliya iyo Jabuuti.

—DHAMAAD—
Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha Ee Gudoonka Baarlamaanka
Media & Public Relation Office Of Speaker
Email:- Media@parliament.gov.so

Leave a comment

*

Archives
June 2014
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online