Hayadda culumada Soomaaliyeed oo tahniyad u dirtay shacabka Soomaaliyeed

June 29, 2014 - Written by Editor

tahniyaddaMuqdisho:-Hayadda culumada soomaaliyeed ayaa waxaa ay tahniyad u dirtay shacabka Soomaaliyeed iyo umada muslinka ah waxayna ugu baaqday in ay ka faa,deystaan bishan Bayaanka Hayadda culumada soomaaliyeed noqol ka mid ayaa waxaa uu soo gaaray Halgan.net waxaana uu u qornaa sidan.

بسم الله الرحمن الرحيم
Tahniyad iyo baaq ku saabsan bisha ramadaan ee barakaysan

1- Hayadda culumada soomaaliyeed waxay shacabka soomaaliyeed iyo ummadda muslinka ah guud ahaan ugu tahniyadaynaysaa bilashada bisha ramadaan ee barakaysan ,waxayna ilaahay ka baryaysaa in uu nawaafajiyo dhammaan acmaasha uu raaliga ka yahay,gaar ahaan soonka maalintii iyo tukashada habeenkii,nagana aqbalo.

2-Bisha ramadaan waa fursad qaali ah oo loogu tala galay in si fiican looga sahay qaato taqwada,naftana laga nadiifiyo waxa lidka ku ah aayaheeda adduun iyo aakhiro.

3- Hay’addu waxay cambaaraynaysaa hanjabaadda macna la’aanta ah ee kooxda shabaabku ku dhibayaan muslimiinta kuna carqaladaynayaan cibaadada ilaahay

4- Ramadaankaan wuxuu ku soo aaday ayadoo ay jirto baahi, gaar ahaan barakacayaasha,marka, Hay’addu waxay ugu baaqaysaa cid kasta oo wax heli karta,gudaha iyo dibadaba,in kaalmo deg deg ah loo fidiyo shacabka soomaaliyeed ee musiibadu ku habsatay.

5- Hay’addu waxay ku baaqaysaa in bishaan looga faa’iidaysto xallinta khiaafaadka beeleed ama siyaasadeed ee u dhexeeya dadka soomaaliyeed ee walaalaha ah.

no images were found

6- Bishaan waa bishii towbadda iyo is-bedalka, waxaan isku dardaarmaynaa towbad hufan oo la xariirta xuquuqda ilaahay iyo midda aadamiga.

7-Bishaan waxaa furan albaabada aqbalka ,marka waxaan soo jeedinaynaa in baryada la badiyo ilaahayna aad loo tuugo in uu faraj deg deg ah ummadda u furo.

Madaxa hay’adda culumada soomaaliyeed
Sh. Bashiir axmed salaad
Muqdisho – soomaaliya

Leave a comment

*

Archives
June 2014
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online