Mu’tamarkii Islaamiga ahaa ee ka socday Edmonton oo la soo gaba gabeeyay.[Masawiro]

June 3, 2014 - Written by Editor

IMG_8334Edmonton:-Mu’tamarkii Islaamiga ahaa ee ka socday magaalada Edmonton ayaa la soo gabagabeeyey waxaana uu ahaa kulankii ugu weynaa  sanadkan waxaana ka soo qaybgalay Culimo Soomaaliyeed oo waawayn oo ka kala yimid Dalalka USA iyo UK . Waxaa sidoo kale kulanka kasoo qayb galay Culimo reer Canada ah oo isugu jira Soomaali iyo Culimo kale intaba.

Cinwaankan Shirka oo ahaa (Xageen u Soconaa Haddaan nahay Qurbajoogta Soomaaliyeed) ayay culimadu waxay dadka aad ugu baraarujiyeen muhiimada ay wadajirka iyo wax wada qabashadu leeyihiiin, si ay aayahooda iyo Carruurtoodu u badbaadaan. Taasna waxay ku suurto galaysaa oo kaliya in la helo Maraakiz ka kooban Masaajiddo,Iskuulo iyo Goobihi kale ee Jaaliyadda loogu adeegi lahaa baahidooda.Sidaa awgeed ayaa waxaa ka mid ahaa ujeedooyinki shirkaan loo qabtay uguna muhiimsanaa sidii loo hirgelin lahaa dhisidda mashruuca Al-Faaruuq Islamic Centre. Mashruucan Al-Faaruuq ayaa ku gudo jiray inta muddo ahayd sidii jaaliyadda loogu iibin lahaa Xarun ama Center Weyn oo daboolaya baahida jaaliyadda ee aan kor ku xusnay.Xaruntaas oo loogu talo galay in lagu badbaadiyo ubadka Soomaaliyeed ee ku koray ama ku dhashay Dalkan Canada, maadaama mashkilada ugu weyn ee dadka wadamadan soo dagay ay tahay dhanka caruurta.Waxaa xusid mudan in magaaladaan Edmonton ama gobolkaan Alberta lagu dilay dhallinyaro Soomaaliyeed oo ay tiradoodu kor u dhaaftay Soddon ilaa iyo dhowrki sano ee la soo dhaafay gudahood.

Shirweynaha oo ka dhacay Xarunta Dugsiga Islaamiga ah ee Edmonton waxaa ka soo qaybgalay kumanaan dadwayne Soomaaliyeed ah oo ka kala yimid magaalooyinka ku yaala Gobolka Alberta,iyo Gobalada kale ee Galbeedka Canada.

Waxaa Mu’tamarkaan kasoo qayb galay oo muxaadarooyin kala duduwan kasoo jeediyay Culimada kala ah :

1-Sheekh Maxamed Idiriis

2-Sheekh C/raxmaan Sh. Cumar

3-Sheekh Saciid Maxamed Faarax

4-Sheekh Maxamuud Sh. C/raxmaan

5- Sheekh Cismaan Xaji Madad

5- Sheekh C/rasaaq Cilmi Fagare

Iyo Culimo kale.

Allah waxaan ka baryeynaa inuu ka ajar siiyo Culimadeenna kheyrka ay noo soo gudbiyeen iyo dhammaan walaalihii ka qayb qaatay inuu suurto galo Mutamarkaan weyn,Mashaa Allah.

no images were found

Jazaakumullah Khayran

C/Rashiid Cali Maxamed (Akhi)
Maamulaha Masjidka Sahaba – Edmonton
www.sahabamosque.com
info@sahabamosque.com

Leave a comment

*

Archives
June 2014
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online