Puntland, DFS oo shaaciyey in maalinta beri ah aysan ahayn Ramadaan

June 27, 2014 - Written by Editor

ramadanGaroowe:-Wasiirka cadaalada iyo arrimaha diinta ee dowladda Puntland Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa caawa shaaciyey in aysan maalinta beri ah aysan ahayn Ramadaan balse ay bisha shacbaan la dhamaystirayo oo maalinta Axad ah ay bisha Ramadaan ay bilaabanayso. Wasiirka Wasiirka cadaalada iyo arrimaha diinta ee dowladda Puntland Ismaaciil Maxamed  ayaa sheegay in dowladda Puntland ay ku dadaalayso i shacabka ku noole degaanada Puntland ay isku mar soomaan oo laga fogaado wax khilaaf ah dowladda iyo culimaduna ay arrinkaas xil ska saari doonaan.

Wasiirka ayaa xusay in aysan ilaa hadda jirin cid aragtay bish Ramadaan gudaha Soomaaliya ama deegaanada Putland sidaas darteeda laga rabo in dadweynahu in ay dhamaystiraan bisha shacbaan maalita beri si maalinta Axad ah si simad loo wada soomo.

Dhinac kale Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegay in maalinta beri ah aysan ahayn Ramadaan lana dhamaystirayo bisha Shacbaan waxaan ay ka digeen wax khilaaf ah. dhawaan ayaa Rai’iisul kuxigeenka ahna wasiirka Awqaafta iyo Arimaha Diinta Ridwaan uu Telefishanka Dowladda ee SNTV uu ka sheegay in maalita beri ah aysan soon ahayn oo la dhamaystiray bisha Shacbaan.

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
June 2014
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online