Ra’iisul Wasaaraha DFS oo la kulmay Ra’iisul Wasaaraha dalka Itoobiya.

June 12, 2014 - Written by Editor

cabdiweli-iyo-hailemaryamAddis Ababa:- Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa maanta magaalada Addis Ababa kula kulmay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Mudane Hailemariam Dessalegn. Waxay labada Ra’iisul Wasaare ka wada hadleen dadaallada Soomaaliya ugu jirto xasilinta dalka, iskaashiga labada dal, qalabeeynta ciidamada Soomaaliya iyo sidii loo xoojin lahaa dagaalka ay labada dal kula jiraan kooxaha nabad-diidka ah.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa Mudane Hailemariam Dessalegn uga mahad celiyay taageerada uu dalka Itoobiya mar walba la garab taagan yahay dalka Soomaaliya. Wuxuu sidoo kale ammaanay kaalinta xooggan ee ay ciidamada Itoobiya kaga jiraan AMISOM.

Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Sheikh Axmed wuxuu dhiggiisa Itoobiya kala hadlay sidii uu dalka Itoobiya u kordhin lahaa taageerada uu ka siiyo Soomaaliya dhanka ciidamada. Wuxuu Mudane Hailemariam Dessalegn ballan qaaday inuu dalkiisu gacan ka geysan doono sidii Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya loo tayeeyn lahaa oo uu hub iyo rasaas u iibsan lahaa.

Wuxuu yiri Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Sheikh Axmed:-“Waxaa dalka Itoobiya nagala dhexeeya iskaashi iyo xiriir qoto dheer. Waxaan uga mahad celinaynaa dalka Itoobiya sida wanaagsan oo uu mar walba noogu garab taagan yahay dadaalka aan ugu jirno xasilinta iyo nabadeeynta Soomaliya. Waxaan sidoo kale uga mahad celinaynaa sida wanaagsan oo ay uga qeyb qaateen ciidamada AMISOM oo ay ku dareen ciidan badan. Waxaa lagama maarmaan ah in mar walba uu hadafkeenu ahaado inaan sii xoojinno xiriirka labada dal maadaama aan nahay labo dal oo walaalo ah oo aan kala maarmin.”

Dhiniciisa, Mudane Hailemariam Dessalegn wuxuu yiri:“Itoobiya iyo Soomaaliya waa isku dan. Itoobiya waxaa danteedu ku jirtaa inay Soomaaliya xasiloon tahay, waxaana dalkeenna ka go’an inaan dadaal walba ku bixinno sidii Soomaaliya aan uga taageeri lahayn inay gaarto guulaha ay higsaneeyso. Waxaan ciidanka Soomaaliya ka taageeri doonnaa inay helaan hubka ay u baahan yihiin si ay ula dagaalaan cadowga labadeenna dalba halista ku ah.”

Waxay labada ra’iisul wasaare sheegeen inay ka go’an tahay inay sii wadaan dadaalka wadajirka ah ee ay ugu jiraan inay Soomaaliya iyo Itoobiyaba ka dabar gooyaan kooxaha nabad-diidka ah kuna dadaalaan sidii xasilloonida gobolka oo dhan loo xaqiijin lahaa.

-Dhamaad-

Leave a comment

*

Archives
June 2014
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online