Ra’iisul Wasaaraha DFS oo u hambalyeeyay shacabka Soomaaliyeed

June 26, 2014 - Written by Editor

drcabdiweliMuqdisho:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheikh Axmed ayaa hambalyo ku aaddan 26-ka June, oo ah maalintii 1960-kii calanka Soomaaliyeed laga taagay ciiddeena, u diraya dhammaan ummadda Soomaliyeed meel kasta oo ay joogaan, isagoo sheegay inuu dadkiisa la qaybsanayo farxadda maalintan oo lagu xusayo geesiyadii naftooda u huray in dalku noqdo waddan ka xoroobay gumaysigii.

Wuxuu yiri Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed:-“Muddo 54 sano ka hor ah ayay shacabka Soomaaliyeed la soo noqdeen sharaftoodii iyo karaamadoodi, iskana tuureen heeryadii gumaysiga. Helidda xornimada waxaa lagu bixiyey qiimo aad u sarreeya, waxaana lagu waayey wiilal iyo gabdho waddaniyiin ah oo naftooda u hibeeyey in Soomaaliya ay noqoto waddan xor ah.

“Waxaa Soomaali oo dhan farxad u ahayd markii ay walaalaheenna Waqooyi si sharafi ku dheehan tahay calanka buluugga ah u keeneen magaalada Muqdisho shan maalmood ka dib markii ay xoroobeen, taas oo muujinaysay waddaniyad iyo midnimo ay heleen shacabka Soomaaliyeed. Shaki kuma jiro in maanta uu jiro dib u dhac la soo darsay shacabka Soomaaliyeed, haddana waxaa barbar socday horumaro is badbaddalayey laga soo bilaabo markii aan xornimada qaadannay.”

Ra’iisul Wasaare Cabdiweli ayaa xusay in dadka Soomaaliyeed aysan maanta kala maarmin loona baahan yahay in loo wada istaago sidii dib laysugu soo celin lahaa shacabka Soomaaliyeed ee kala irdhoobay.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sidoo kale sheegay in maanta qaybo ka mid ah Soomaaliya ay u baahan yihiin in dib looga xoreeyo cadow cusub oo u dhaqmaya sidii gumaystihii dalka soo maray, kuwaas oo raba in ay Soomaaliya ka dhigaan xarun argagixiso.

“Maanta Soomaaliya waxaa ku soo duulay cadow ay qaar ka mid ah nala wadaagaan magaca Soomaalinimo iyo kuwo shisheeye ah oo ku tala galay inay shacabka Soomaaliyeed ka hor istaagaan nooc walba oo horumar ah. Waxay dumiyeen ceelashii biyaha; waxay ka hor istaageen dadkeennii dhibaataysnaa in uu gaaro gargaarkii loogu tala galay; waxay si khasab ah uga qaadeen canshuur xad dhaaf ah oo aysan xaq ugu lahayn; waxay habeen iyo maalinba maaleegaan qaraxyo lagu bartilmaameedsanayo meelaha shacabku isugu yimaadaan; waxayna si bareer ah qoorta uga jaraan kuwa ka horyimaada afkaartooda khaldan. Waxaa waajib ku ah qof kasta oo Soomaaliyeed in uu u istaago sidii mar labaad Soomaaliya looga xorayn lahaa argagaxisada,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaruhu.

Rai’isul Wasaare Cadiweli ayaa dhanka kale soo dhaweeyey in dadka ku nool deegaano ka tirsan gobolka Bay ay dadaal ugu jiraan in ay la dagaalamaan nabad diidka Al Shabaab.

Ugu dambayntii, Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in maanta looga baahan yahay shacabka Soomaaliyeed, siiba dhallinyarada, inay u istaagan sidii Soomaaliya looga xorayn lahaa kooxaha nabad diidka ah, looga dhigi lahaa meel ay dadkeedu ku noolaan karaan, waddamada dariska ah iyo caalamka intiisa kalena kula noolaata nabadgalyo iyo isqaddarin.

DHAMAAD—
Waaxda Warfaafinta
Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha
Muqdisho, Soomaaliya
Email: Media@opm.gov.so
Twitter: @Somalipm 

Leave a comment

*

Archives
June 2014
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online