Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo la kulmay Xogheyaha guud ee Qaramada Midoobay

June 27, 2014 - Written by Editor

SG TripRa’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sh.Axmed ayaa kulan gaar ah magaaladda Malabo kula yeeshay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-moon oo ka qayb galaya shirka Midowga Afrika iyadoo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya uu uga mahadceliyay kaalinta muuqata ee Qaramada Midoobay ay ka ciyaarayso dawlad dhisidda Soomaaliya, nabadda iyo xasiloonida.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa uga warbixiyay Ban Ki-moon dadaalada joogtada ah ee dawladdu ay ugu jirto dawlad dhisidda, nidaamka federaalka iyo ku qaybsiga siyaasadda hanaan loo wada dhan yahay iyo in wada-shaqaynta Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay ay sabab u tahay in horumarro la taaban karo laga gaaray amaanka iyo siyaasadda Soomaaliya, waxaana uu tusaale uso qaatay qorshaha hirgalinta nidaamka federaalka iyo howlgaladdii ciidamadda dawladda iyo AMISOM ay ku xoreeyeen magaalooyinka ay ku sugnaayeen kooxaha Nabad-diidka ah.

“Qaramada Midoobay waxaa ay gacan muuqata ka gaysatay amaanka, xasiloonida, dhismaha dawladnimada iyo taageero joogta ahwaan uga mahadnaqaynaa taageerada kala duwan. Waxyaabaha aan kala hadlay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Ban Ki-moon waxaa kamid ah sidii Qaramada Midoobay ay u dadajin lahayd gargaarka aan doonayno in la gaarsiiyo qaybo kamid ah Soomaaliya oo ay ka jirto cunno yari, arrimaha qaxootiga iyo in ay Q.M ay sii xoojiso taageerada ay noola diyaarka tahay xiligan muhiimka ah .” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sh.Axmed.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-moon ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan taageerada ay u fidinayaan dawladda Soomaaliya isla markaana ay go’antahay in ay Soomaaliya aysan dib ugu laaban dhibaatooyinkii ay horay usoo martay.

Dhamaad
 Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha

Leave a comment

*

Archives
June 2014
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online