Raisulwasaaraha DFS oo ka hadlay dilkii wariye Yuusuf Axmed Abuukar

June 21, 2014 - Written by Editor

cabdiweliMuqdisho:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiwali Sheekh Axmed ayaa si kulul u cambaareeyay dilkii foosha xumaa ee loo gaystay wariye Yuusuf Axmed Abuukar Keynaan, oo ku geeriyooday qarax saaka lagu xiray gaarigiisa. Wariyaha ayaa ka mid ahaa suxufiyinta ka howlgala Idaacadaha Mustaqbal iyo Ergo oo ka shaqaysa arrimaha bani’aadamnimada.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tacsi tiiraanyo leh u direy qoyskii iyo qaraabadii wariyaha asagoo sidoo kalena u tacsiyeeyay bahda saxaafadda Soomaaliyeed gaar ahaan asxaabtii uu la shaqaynayay. Wuxuu caddeeyay in ay dawladdu sii wadi doonto dagaalka ya kula jirto kuwa gumaadka ku haya Soomaaliyeed.

Rai’iisul Wasaaruhu wuxuu yiri:“Innaa Lillaahi wa inaan ileyhi raajicuun, geeridu waa xaq, noole walbana wuxuu marayaa dhimasho. Waxaana Eebbe uga baryayaa inuu Janadii Fardowsa ka waraabiyo Wariye Yuusuf Abuukar, dhammaan ummadda Soomaaliyeed, eheladii iyo asxaabtiisana Samir iyo IIMAAN ka siiyo.

“Dilka loo geystay wariye kenyaan wuxuu calaamad u yahay dhibaatada ay guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ku hayaan kooxaha dhagar-qabayaasha ah. Waxay laamaha ammaanku dadaal ugu jiraan inay gacanta ku dhigaan dambiileyaashii dilkan naxdinta leh geystay si sharciga loo hor keeno.

“Runtii aad iyo aad ayay ii dhibaysaa inaan maqlo muwaadin Soomaaliyeed ayaa ku dhintay qarax ama la dilay. Waxaan ka codsanayaa shacabka Soomaaliyeed inay gacan siiyaan laamaha ammaanka si looga adkaado dadka dulmiga ka dhex wada ummaddeenna”

Ra’iisal Wasaaraha ayaa ku tilmamay falkaas mid naxariis daro oo aan loo nisbayn karin diinta Islaamka isla markaana aan raad ku lahayn dhaqanka Soomaaliyeed.

—DHAMAAD—

Waaxda Warfaafinta
Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha
Muqdisho, Soomaaliya
Media@opm.gov.so 

Leave a comment

*

Archives
June 2014
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online