Safarka Sheekh.Umal iyo Socdaalka Sh. Idriis Duruusta ku jirta‏ W/Q Sh Axmed Nuur

June 15, 2014 - Written by Editor

sh_idris_sh_axmedOhio:-Habeenkii Talaaddada Saacada magaalada Columbus, Ohio markay ahayd 10:45PM waxaan wada hadalay Sh Maxamed Idris Axmed oo ka soo baxay Salaadii Cishaha kuna sugan magaalada Columbus ee Ohio, xiligaa aniga waxay ii aheed 7:45 PM waxaan joogay gobolka aan daganahay ee Washington Seattle, xiligaa waxay noo aheed Casar waxay kala danbeeyaan labada gobol 3 saacadood waana isla cariga Maraykanka, salaada cishaha waxaan tukanaa hada 11:20PM salaada subaxna waxaan tukanaa 3:45AM waxaa u dhaxeeya salaada Cishaha iyo Salaada subax 4 saacadood wax ku dhow waa Cajaa’ibta loogu yimid wadamada reer galbeedka, reer yurubna qaar badan baaba naga siidaran.

Sheekha waan wada sheekaysanay waana ismaca salaamaynay 4 saacadood kadib waxaa igu soo bilaabmay telafoon dadka qaar waxay iwaydiinayaan sheikh Maxamad idris xaguu jiraa? waxaan ku iri sheekhu wuujoogaa wuxuu iisheegay qof kamidahaa dadkii isoo wacay Jaraa’idka kasoobaxa Kiiniya waxaa ku qoran in Sh maxamd idris Mambasa lagu dilay saaka, woxoogaa baan aamusay kadib waxaan ugu jawaabay sheekhu wuujoogaa walaalkii.

Markuu igatagay hadana waa dad kale oo badan oo iwaydiinaya isla arinka, dadku layaab malaha oo waxay arkeen Sh. Maxad Idris oo ah madaxa golaha Imaamyada oo dagan magaalada Mambaasa, labada sheikh waa sheekha ladilay iyo sheekheena waa isku magac waa isku magaalo waa isku
masuuliyad sheekheenu sida dadbadan ogyahay wuxuu kamidyahay Aas aasayaashii golaha imaamyada waqooyiga maraykanka arintu waxay noqotay sida maahmaahdii Soomaalida Sagaarada iyo dhaguxu isku toosanaa, anigii sheekha lahadlay 4 saacadood kahor waan shakiyay waxaan is iri war Sh. Maxamed wuu safar badnaaye miyuu duulay? Awliyadu way buubtaa baa ladhihi jiray!

Hadaba aan u soo dago Ujeedada qoraalkan waxaa ii muuqata Safarka Sh Maxad Cabdi Umal iyo sigida Sh Maxad idris, fariima badan inay dirayaan;

1-Markaad fiiriso sida Soomaalida ku nool 5 qaaradood ee aduunka uga naxeen warkii naxdinta lahaa ee loo maleeyay Sh. Maxamed Idris in la dilay, hadana aad fiiriso soo dhawaynta iyo maamuuska loo sameeyay.
Safarka dheer ee Caalimka Soomaaliyeed Sh Maxamed Cabdi Umal waxaad ka dheehan kartaa Jacaylka badan ee Soomaalidu u qabto Culimadooda.

2- Waxaa jira dad yar oo diintu qalooc ugashay oo iyagu jeclaan lahaa Khabarka ku saabsan Sh. Maxamed Idris inuu rumoobo Sh. Maxamed Cabdi Umal isagana lagu mudaaharaado,kuwaas waxaan leenahay Caradiina ku dhinta.(kanaxoow naaqus)

3- Safarka Sh. Umal iyo soodhawaynta Soomaalidu waa rajo cusub oo farxad galin Soomaalida samaanta jecel.
4- Waa wado u furantay Culima badan inay Buraashada biyaystaan oo ay bilaabaan Safaro dacwo oo lagu maro 5-ta Somaliyeed, Sh. Umal Safarkiisa waxaan dhihi lahaa Jabuuti ha ku khatimo.

Qore/ Sh Axmednuur Macalin
Seattle Washington U.S.A
midnimo14@gmail.com

Leave a comment

*

Archives
June 2014
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online